man with disability and employer

Si kalsooni leh ushaqaalaysii

Waxaad go'aansatay inaad kacaawin doonto ururkaaga inay helaan xirfada ay ubaahan yihiin adoo shaqaalaysiinaaya dadka naafada ah. Hadda waxaad ubaahan tahay in lagaa caawiyo raadinta, qorashada iyo shaqaalaysiinta shaqaalaha aad doonayso. Halkaan waxaa kahelaysaa dhawr talaabo oo xiga:

  1. Booqasho haku yimaado xaruntaada khabiirka CareerForce. Waxaan fiirin doonaa bii'ada shaqadaada, waxaan kuwaydiin doonaa inaad si faahfaahsan usheegto waajibaadka shaqada aad doonayso inaad buuxiso, waxaana soo qaadaynaa liiska fahfahsan ee xirfadaha shaqada looga baahan yahay.
  2. Khabiirka CareerForce ayaa kaacaawinaaya inaad qorato shaqalaaha cusub adoo baaritaan horu dhaca ah kusamaynaaya codsadayaasha buuxiya baahiyahaaga.
  3. Waxaan kuguso xiraynaa codsadayaashaan waxaana kaataageraynaa adigga iyo codsadayaasha shaqada inta lagu jiro waraysiga iyo hanaanka shaqaalaysiinta.

Caawimaadeenu majoogsanayso marka codsaduhu helo shaqada. Waxaad sidoo kale heli doontaa waxbarasho iyo tababar joogto ah, caawimaad farsamo oo lagaa siiyo su'aalaha laxariira shaqada waxaana kaacaawinaynaa aqoonsiga caawimaadaha muhiimka ah. Shaqaalahaaga cusubna waxay heli doonaan tababar joogto ah oo laga siiyo shaqada si loo xaqiijiyo guul ay kagaaraan ururkaaga.

 

Ugu danbayn, waxaan kula wadagai doonaa fursadaha abaalmarinada dhaqaale siiya ganacsiyada qorta oo shaqaalaysiiya dadka naafada ah.

Halkaan waxaad kahelaysaa dhawr ilood oo muhiim ah: