computer keyboard close up featuring white colored keyboard

CareerForceMN.com waxaa loo sameeyey in dadka oo dhan ay wada isticmaalaan

Waxaad isticmaali kartaa dhamaan kheyraadka ku jira bogga adiga oo u maraya taleefankaaga, taabletkaaga ama kombuyuutarkaaga Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho barawsarka intarnetka ee lagu taliyey si aad ugula kulanto isticmaalka ugu wanaagsan.

Waxaan haynaa illo onleenka ama qof ahaan ah oo lagu heli karo af Soomaali iyo Isbaanish ah, sidoo kale sida caawinta Hmong iyo luuqado kale Ka raadi faahfaahin dheeraad ah bogeena Language Services (Adeegyada Luuqadeed) .

Hay'ada CareerForce waxay kaloo bixisaa illo onleenka ama qof ahaan oo ka caawiyo dadka dadka naafada ah inay helaan shaqooyin ku haboon.

CareerForce ayaa laga yaabaa inay kugu xiriiriyaan fursadaha waxbarashada iyo tababarka si aad u horumariso xirfadaada kombiyuutarka, Luqadda Ingiriisiga iyo xirfadaha kale ee aasaasiga ah..

Ma haysaa talo soo jeedin ku saabsan sida ay CareerForce ugu noqon karto mid ay dadka oo dhan wada isticmaalaan ama su'aal ku saabsan helitaanka macluumaadka aad u baahan tahay? Aan ogaano!
CareerForce@state.mn.us
651-259-7501