Ku raaxeyso shaqo ah daryeelka caafimaadka oo ah mid wax weyn ka beddeleysa nolosha dadka

Bilow dariiq shaqo oo ah mid baahi weyn loo qabo oo aad aqoon ku sii yeelan doonto oo waxa lagaa rabo waa shahaadada dugsiga sare oo keliya si aad shaqadan u bilowdo.

Si laguugu caawiyo af Soomaali soo garaac: 651-539-4420

Image
sawirku waxa uu muujinayaa laba qof oo qaab wadne ah. CareerForce logo. Erayo qoran ayaa odhan: Waxaad Ka Fekertaa Shaqo ah Daryeelid oo leh Mustaqbal.Ku raaxeyso shaqo ah daryeelka caafimaadka oo ah mid wax weyn ka beddeleysa nolosha dadka. 45,000 oo fursad shaqooyin ayaa hada ka banaan gobolka Minnesota.
  • Goobha shaqada ayaa inta badan kaa bixiya kharashka tababarka bilowga ah – oo waxaa laga yaabaa in ay kaa bixiyaan tababarka mustaqbalka si aad ku hesho xirfad shaqo iyo lacag badan.
  • Goobo badan oo laga shaqeeyo ayaa soo dhaweeya shaqaalaha hadda barta afka Ingiriiska. Weliba, uma baahnid khibrad shaqo oo ah caafimaadka si aad u bilowdo shaqo ah daryeelid – iyo xirfado shaqo aad ku soo baratay meelo kale oo aad u isticmaaleyso daryeelka. Hadda ayaad shaqo u bilaabi kartaa.
  • Kala hadal goobaha shaqada haddii ay hayaan xarun lagu hayo ilmaha, gaadiid, jadwalka shaqada, in ay shaqaalaha baraan luuqadda iyo tababarka wax kasta – goobaha shaqada qaarkood ayaa diyaariya waxyaabo badan.

Bilow xirfad wax weyn ka beddeleysa nolosha dadka – ku raaxeyso Shaqada Daryeelidda!

Taageerista dad dhex jooga guryahooda iyo deegaakooda

Xirfadleyaasha daryeelka waxay dadka ku taageeraan guryahooda oo waxay ku caawiyaan in ay qeyb ka noqdaan deegaankooda, mararka qaarkood waxay ka nasinayaan qoyska ama asxaaxbta ah daryeeleyaasha. Shaqada noocan ah waxaa laga helaa meheradaha iyo ururrada aan macaashdoonka ahayn, oo dad badan ayaa si toos ah ugu shaqeeya qof u baahan daryeel. Waxaa laga yaabaa in aad ka hesho shaqadan haddii aad rabto in aad si fool ka fool ah ula shaqeyso qof aad si fiican u baran karto. Waxaa jira magacyo badan oo shaqooyinkan loogu yeero, laakiin qaar ka mid ah kuwa ugu caansan waa Xirfadleyaasha Taageerada Tooska ah, Kaaliyeyaasha Daryeelka Shakhsiyeed, Caawiyeyaasha Caafimaadka Guriga, Shaqaalaha Waxqabadka Hore, Kaaliyeyaasha Daryeelka Shakhsiyeed, shaqaalaha Adeegyada Taageerada Muhiimka ah, Shaqaalaha Individualized Home Support (Taageerada Guriga ee Shakhsiyeed ama IHS) iyo kuwa kale oo badan.

Direct Support Professional Shaqaalaha Daryeelka Dadka 4-2023 - Somali

PCA Gacanyareha Daryeelka Shakhsiyeed 4-2023 - Somali

Sida ay tahay marka dadka lagu caawinayo guryahooda iyo bulshada gudaheeda 4-2023 - Somali 

Si aad u codsato shaqooyinka taas la midka ah:

  • Kala hadal shaqalaha CareerForce ee xafiiska kuu dhow fursadaha shaqada
  • Raadso kumaankun oo ah shaqooyinka Minnesota oo habeen kasta la soo geliyo barta CareerForceMN.com
  • Arag shaqooyinka hadda la soo dhejiyey ee Minnesota ee loogu talagalay  Xirfadleyaasha Taageerada Tooska ah - keliya 500 oo shaqo ayaa soo bixi kara markiiba, laakiin waxaa ku jira shaqooyin badan - waa la soo kala sooci kartaa raadinta oo lagu saleynayo goobta guriga oo waxaad beddeli kartaa habka raadinta adigoo isticmaalaya ereyo kale oo muhiim ah, adigoo isticmaalaya cinwaanno kale oo la mid ah Xirfadleyaasha Taageerada Tooska ah ee kor ku qoran
  • Ka baaro qof aad daryeele ahaan ugu shaqeyn karto DirectSupportConnect.com
  • Raadso jagooyinka ka bannaan goobta shaqooyinka ARRM

Taageerista dad dhex jooga guryaha kooxaha iyo deegaakooda

Xirfadleyaasha daryeelka waxay taageeraan dad jooga guryaha kooxaha oo ay maamulaan shaqaale leysan haysta, oo waxay ku caawiyaan in ay dadku bulshada qeyb ka noqdaan. Shaqadan waa ay kugu fiicnaan kartaa haddii aad ka hesho in aad la shaqeyso koox yar, iskuduwidda hawlaha iyo dadka oo lagu caawiyo joogista guryaha. Waxaa jira magacyo badan oo shaqooyinkan loogu yeero, laakiin qaar ka mid ah kuwa ugu caansan waa Xirfadleyaasha Taageerada Tooska ah, Adeegyada Taageerada Muhiimka ah, Shaqaalaha Individualized Home Support (Taageerada Guriga ee Shakhsiyeed ama IHS), Caawiyeyaasha Daryeelka Dadka Dhismeyaasha Deegaanka ah iyo kuwa kale oo badan.

Direct Support Professional Shaqaalaha Daryeelka Dadka 4-2023 - Somali

Sida ay tahay hawsha caawinta ah ee loo qabto dadka ku nool guryaha kooxaha - 4-2023 Somali

Si aad u codsato shaqooyinka taas la midka ah:

  • Kala hadal shaqalaha CareerForce ee xafiiska kuu dhow fursadaha shaqada
  • Raadso kumaankun oo ah shaqooyinka Minnesota oo habeen kasta la soo geliyo barta CareerForceMN.com
  • Arag shaqooyinka hadda la soo dhejiyey ee Minnesota ee loogu talagalay Daryeelka Kooxda Guriga iyo Shaqaalaha Taageerada - keliya 500 oo shaqo ayaa soo bixi kara markiiba, laakiin waxaa ku jira shaqooyin badan - waa la soo kala sooci kartaa raadinta oo lagu saleynayo goobta guriga oo waxaad beddeli kartaa habka raadinta adigoo isticmaalaya ereyo kale oo muhiim ah, adigoo isticmaalaya cinwaanno kale oo la mid ah Xirfadleyaasha Taageerada Tooska ah ee kor ku qoran
  • Raadso jagooyinka ka bannaan goobta shaqooyinka ARRM

Daryeelka dadka lagu caawiyo nolosha, guryaha xannaaneynta iyo guryo kale

Xirfadleyaasha daryeelka waxay dadka ku taageeraan guryo waaweyn oo dad badan oo u baahan taageerid si ay u wada noolaadaan. Shaqadan waad ka heli doontaa haddii aad jeceshahay inaad la shaqeyso dad badan oo kala duwan oo uu goobta joogo maamule ama saaxiib aad su'aalo weydiin karto. Qaar ka mid ah xirfadleyaasha taageeraya xarumahan waa Caawiyeyaasha Kalkaalinta, Caawiye Cunto, Caawiye Guri-hagaajin, Caawiyaha Dhaqdhaqaaqa, Trained Medication Assistants (Caawiyeyaasha Tababaran ee Daawada ama TMA), Certified Nursing Assistants ( Caawiyeyaasha Loo-xaqiijiyey Kalkaalinta ama CNAs) iyo kuwa kale oo ka badan.

Nursing Assistant Caawiyaha Kalkaaliyaha 4-2023 - Somali

Si aad u codsato shaqooyinka taas la midka ah:

Taageerista dadka ka shaqeeya bulshada dhexdeeda

Shaqaalaha waxay ku taageerayaan dadku in ay helaan shaqo ay ku sii dhex haysan karaan bulshada gudaheeda. Waxaa laga yaabaa in aad si fiican u jeclaan doonto shaqadan haddii aad ka hesho in aad la kulanto dad cusub oo aad ka wada shaqeyneysaan sida xal loogu helayo shaqooyinka. Waxaa jira magacyo badan oo loogu yeero shaqooyinkan, laakiin tusaalehooda caadiga ah  qaar ka mid ah waa Xirfadlaha Taageerada Shaqada, Horumarinta Shaqada, Takhasuska Shaqa-helista ama La-taliye, Baraha Shaqada, Tababare Shaqo, Shaqaalaha Adeegyada Kalaguurka ee Iskuulka-ilaa-Shaqadaa, Xirfadlaha Taageerada Shaqada, Shaqaalaha Kobcinta iyo kuwa kale oo ka badan.

Employment Support Professional  Xirfadlaha Taageerada Shaqada - 4-2023 - Somali

Si aad u codsato shaqooyinka taas la midka ah:

  • Kala hadal shaqalaha CareerForce ee xafiiska kuu dhow fursadaha shaqada
  • Raadso kumaankun oo ah shaqooyinka Minnesota oo habeen kasta la soo geliyo barta CareerForceMN.com
  • Arag shaqooyinka hadda la soo dhejiyey ee Minnesota ee loogu talagalay Xirfadleyaasha Taageerada Helista Shaqada - keliya 500 oo shaqo ayaa soo bixi kara markiiba, laakiin waxaa ku jira shaqooyin badan - waa la soo kala sooci kartaa raadinta oo lagu saleynayo goobta guriga oo waxaad beddeli kartaa habka raadinta adigoo isticmaalaya ereyo kale oo muhiim ah, adigoo isticmaalaya cinwaanno kale oo la mid ah Xirfadleyaasha Taageerada Helista Shaqada ee kor ku qoran

Taageerida dadka ku jira goobaha daryeelka caafimaadka dhimirka

Xirfadleyaasha daryeelka waxay taageeraan dadka la daaweynayo ee ka soo kabsanaya xanuunnada dhimirka iyo isticmaalka maandooriyaha ee goobo kala duwan oo ah kilinig iyo meelo bulshada ku saleysan. Waxaad ka heli kartaa shaqadan haddii aad leedahay xirfad ah dhageysiga dadka iyo in aad keento xal hal-abuur leh oo lagu taageerayo tayada nolosha. Qaar ka mid ah magacyada shaqada ee caadiga ah waa Farsamoyaqaanka Caafimaadka Maanka, Xirfadlaha Taageerada Tooska ah, Xirfadlaha Daryeelka Dhallinyarada, Kaaliyaha Beddelaadda Maanka, Farsamayaqaanka Adeegyada Dadweynaha, Kaaliyaha Barnaamijka Isticmaalka Mukhaadaraadka, La-taliyaha Amniga, Dabiibaha Barnaamijka Madadaalada, Certified Nursing Assistant (Caawiyaha Loo-xaqiijiyey Kalkaalinta ama CNA), Shaqaalaha Taageerada Adeegga Dadweynaha, Shaqaalaha Taageerada Danbibaarista, Farsamayaqaanka Dhimirka iyo kuwa kale oo badan.

Caawiyaha Caafimaadka Dhimirka ama Dareenka - 4-2023 Somali

Si aad u codsato shaqooyinka taas la midka ah:

  • Kala hadal shaqalaha CareerForce ee xafiiska kuu dhow fursadaha shaqada
  • Raadso kumaankun oo ah shaqooyinka Minnesota oo habeen kasta la soo geliyo barta CareerForceMN.com
  • Arag shaqooyinka hadda la soo dhejiyey ee Minnesota ee loogu talagalay shaqooyinka Caafimaadka Maanka - keliya 500 oo shaqo ayaa soo bixi kara markiiba, laakiin waxaa ku jira shaqooyin badan - waa la soo kala sooci kartaa raadinta oo lagu saleynayo goobta guriga oo waxaad beddeli kartaa habka raadinta adigoo isticmaalaya ereyo kale oo muhiim ah, adigoo isticmaalaya cinwaanno kale oo la mid ah Farsamoyaqaanka Caafimaadka Maanka ama Dhimirka ee kor ku qoran

Taageerista dadka aada barnaamijyada maalintii

Xirfadleyaasha daryeelka waxay dadka ku caawiyaan bulshada dhexdeeda ama xarumo furan maalintii. Barnaamijyada qaar waa taageero fogaan-arag ah qofkii raba laga soo bilaabo Juulay 2023. Shaqaalaha ka shaqeeya barnaamijyadan waxay caawiyaan dadka waaweyn ee naafada ah si ay u yeeshaan xirfado nololeed, si ay uga qeybqaataan nolosha bulshada, iyo si ay u sameeyaan waxyaabaha ay ka helaan. Waxaa laga yaabaa in ay shaqadan kugu fiican tahay haddii aad ka hesho waxbarisda dadka, in aad dadka wax la wadaagto iyo qorsheynta waxqabadka.

Xirfadlaha Shaqada Maalintii - 4-2023 Somali 

Si aad u codsato shaqooyinka taas la midka ah:

  • Kala hadal shaqalaha CareerForce ee xafiiska kuu dhow fursadaha shaqada
  • Raadso kumaankun oo ah shaqooyinka Minnesota oo habeen kasta la soo geliyo barta CareerForceMN.com
  • Arag shaqooyinka hadda la soo dhejiyey ee Minnesota ee loogu talagalay  Shaqaalaha Barnaamijyada Maalintii - keliya 500 oo shaqo ayaa soo bixi kara markiiba, laakiin waxaa ku jira shaqooyin badan - waa la soo kala sooci kartaa raadinta oo lagu saleynayo goobta guriga oo waxaad beddeli kartaa habka raadinta adigoo isticmaalaya ereyo kale oo muhiim ah, adigoo isticmaalaya cinwaanno kale oo la mid ah Xirfadleyaasha Barnaamijyada Maalintii ee kor ku qoran

In guri lala wadaago qof naafo ah iyada oo loo marayo Wadaagista Nolosha

Wadaagista noloshu waa hab nololeed ku saleysan xiriir qof gaaray 18 jir ama ka weyn oo ah naafo si taxadar leh loogu helo qof ama qoys uu la wadaagi doona nolosha iyo waaya-aragnimadooda iyagoo qofka mar kasta u caawin doona habdhaqanka ku fiican. Qofka martigelinaya wadaagista nolosha lacag ayaa lagu siinayaa.

Wadaagista Nolosha- 10-2023 Somali

Tasiilaadyo caawinaya kobcinta Xirfadaha Daryeelka

651-259-7500 – Waxaan haynaa turjubaan Language Line

651-539-4420 – ku dhaaf fariinta codka ah ee Soomaaliga, qof ka socda CareerForce ayaa dib kuu soo wici doona

Hoos ka eeg oo soo deji kheyraadka: