worried looking older man in work shirt

Kagudbida dareenka niyad jabka leh

Inaad shaqo beesho waxay kugu reebi kartaa dareeno badan oo kaladuwan. Waxaad dareemi kartaa inaadan kaliya lumin shaqadaadii, laakiin aad lumisay dareenkaagii shaqsiyeed, bulshadaadii shaqo iyo xataa shaqsiyadaadii. Waa muhiim inaad waqtiga muhiimka ah galiso xalinta dareenadaada si aad ubiloowdo rajo aad kuraadiso shaqo. Halkaan waxaad kahelaysaa qaabab wanaagsan qaarkood oo aad arintaas kusamayn karto:

  • Qaabee dareenadaada—waxaa kaacajabin kara waxaad baratay
  • Lahadal xaas, lamaane ama saaxiib ah qof si fiican kuudhagaysta
  • Aqbal xaqiqada, waayo si kasta ooy u adagtahayba—waa inaad kagudubtaa waxa kusoo maray aadna diirada saartaa mustaqbalka
  • Qiimee waxa aad naftaada kabaratay intaad kujirto mudadaan kalaguurka ah kadibna qeex sida ay uqaabaysay muhiimadahaaga
  • Dhiirigalin kaqaado dadka dib ushaqo bilaabay kadib markay shaqadii hore lumiyeen
  • Intaasoo dhan waxaa ka muhiimsan, daryeel fiican sii naftaada
Group of job seekers, gathered in person for a job club meeting.

Balaarinta ururkaaga baraha

Inaad dad cusub lakulanto ayaa ah qaab wayn ood fursado cusub kula kulmayso. Balaarinta iskuxirkaaga bulshada ayaa sidoo kale kaacaawinaysa inaad dareen wanaagsan lahaato intaad kujirto waqti noqon kara mid walaac badan. Halkaa waxaad kahelaysaa dhawr fikradood ood kabaaraan dagi karto:

  • Kubiir urur shaqo si aad uhesho una bixiso dhiirigalin adoo sidoo kale baranaaya tilmaamaha muhiimka u ah dhisida xirfada
  • Iskaqor urur xirfadlayaal ah ood iskushaqo tihiin ama isku warshad kashaqaysaan kadibna kaqaybgal nashaadaadkooda iskuxirka
  • Hawlo tabarucaad ah kaqabo urur aad xiisaynayso—maaha qasab inay tahay dhabadii aad shaqada kuheli lahayd, laakiin waxay kugu xiraysaa dadka kale ee aad isku waxa xiisaysaan