Kajawaabayna su'aalahaaga

Waxaa lasaxay Juun 20, 2019

Furo Ciwaan

  1. Sidee ayaan kufuranayaa ciwaan?
    Waxaad kaliya ubaahan tahay inaad gasho qaybta Sign Up (Isdiiwanagali) oo kutaala bogga ugu koreeya kadibna aad raacdo talaabooyinka. Inaad ciwaan furato waxay kaliya qaadanaysaa dhawr daqiiqo. Fiiri waraaqda tilmaanta. Ama daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     
  2. Waxaan waajahayaa dhibaato dhanka galitaanka/baasweerka ah.
    Waxaad soo ceshan kartaa magacaaga isticmaalka ama waxaad dib usamayn kartaa baasweerkaaga barta, kaliya booqo bogga laga galo ama laxariiri xafiiska caawinta ee CareerForce oo nambarkiisu yahay 651-259-7501 ama kala xariiri CareerForce@state.mn.us.
     
  3. Sidee ayaan kubadalayaa magaca aan barta kugalo?
    Gal ciwaankaaga kadibna dooro lifaaqa “Edit (Wax kabadal)” (oo kuyaala qaybta sare ee heeska gacanta bidix) ee bogaaga hore. Waxaad badali kartaa ama cusboonaysiin kartaa magacaaga, ciwaankaaga iimeelka, magaca aad kgasho iyo baaswerka markaad doonto.
     
  4. Sidee ayaan utirtirayaa ciwaankayga?
    Kala xariir xafiiska caawinta ee CareerForce nambarka 651-259-7501 ama CareerForce@state.mn.us.
     
  5. Maan adeegsan karnaa magaceena kugalka iyo basweerkeena barta MinnesotaWorks.net?
    Marna lagu talin maayo inaad isticmaasho iskumagac kugal ah iyo baasweer ciwaano kaladuwan. Waxaan kugu dhirigalinaynaa inaad adeegsato farsamooyin wanaagsan oo dhanka amaanka interneetka iyo kumbuyuutarka ah.
     
  6. Miyaan ubaahnahay ciwaan?
    Waxaa jiro ilo badan oo macluumaad ood ku arki karto barta kuwaasoo aan ubaahnayn inaad ciwaan furato. Haddii aan ciwaan kafurato CareerForceMN.com, waxaad awoodi doontaa inaad jeclaato aadna kaydsato mawduucyada kujira bogaaga hore, lasamee “CareerForce Connection” goob ama iskaashade, kadibna gal ilaha aad kahelayso suuqa shaqaalaha ee maxaliga ah oo kujira bogaaga hore. Ciwaanka CareerForceMN.com kaama doonaayo inaad iskudiiwaangaliso aqoon kororsiyada.
     
  7. Maaa kujira boga hore qofka Career Seekers (shaqo doonka ah)?​​​​​​​
    Waxaad awoodi doontaa inaad aragto mawduucyada CareerForceMN.com ee aad ubogtay, ururada kujira CareerForceMN.com ee aad ubogtay, Xariirada aad kusamaysay CareerForce Connections, waxaa intaas dheer inaad gali karto qaybtaada My Goals & Experience. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     
  8. Maaa kujira qaybta My Goals & Experience ee bogga hore qofka Career Seekers (shaqo doonka ah)?​​​​​​​
    Halkaan waa meesha aad kumarayso qiimaynta isku aadiyaha xirfadaha aadna ku ogaanayso nooca shaqooyinka ee kuugu haboon adigga, raadso shaqooyinka adoo katixraacaaya shaqadaadii hore, arag dookhyada shaqooyinka fiicfiican dagsana yoolalka xirfadaada. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     
  9. Maxaa kujira bogga hore ee batrooniga?​​​​​​​
    Kaliya dadka leh ciwaanada batrooniga ama shaqaalaha iyo iskaashatada ayaa awooda inay arkaan waxa kuqoran boga hore ee dadka Career Seekers (shaqo doonka ah). Waxaad awoodi kartaa inaad aragto mawduucyada kujira CareerForceMN.com ee aad dooratay, waxaad sidoo kale heli kartaa qaybta My Labor Market.
     
  10. Maxaa kujira qaybta My Labor Market ee bogga hore ee batrooniga?
    ​​​​​​​
    Waa halkaan meesha aad u arki karto macluumaadkii ugu danbeeyay ee gobalka oo dhan iyo kuwa deeganaka ee shaqaalaha, shaqo la'aanta iyo wararka warshada. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.

Raadinta shaqooyinka

  1. Sidee ayaan shaqooyin uga baari karaa CareerForceMN.com?​​​​​​​
    Waxaad ku arkaysaa boorarka “Career Search” qaybo badan oo kamid ah barta, ayna kujiraan bogga hore. Halkan ayaad alin kartaa ciwanka shaqada, erayga dhextaalka a, magaca ganacsiga iyo goobta si aad uhesho shaqooyin furan. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     
  2. Wali shaqooyinka maka baari karaa MinnesotaWorks.net?
    Haa, www.MinnesotaWorks.net ayaa wali ah barta rasmiga ah ee laga baaro shaqooyinka Minnesota. Wali waxaad booqan kartaa bartaas waxaadna baari kartaa shaqooyinka kujira bartaas.
     

Aqoon kororsi

  1. Sidee ayaan kubaari karaa aqoon korosiyada ama munaasabadaha kale?
    Udag qaybta hoose ee bogga wayn ee CareerForceMN.com si aad uga fiiriso qaybta Munaasabadaha Soosocda ama toos ubooqo bogga Munaasabadaha kadibna kubaar munaasabada nooceeda, goobta ama taariikhda ay dhacayso. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     
  2. Ma waxaan ubaahanahay inaan ciwaan furto si aan iskaga diiwaangasho aqoon korosiyada.  
    Uma baahnid inaad furato ciwaanka CareerForceMN.com si aaad iskaga qorto aqoon kororsiga. Aqoon kororsi kasta wuxuu helayaa lifaaq la iskaga diiwaangasho kaasoo kugaynaaya www.MinnesotaWorks.net si aad diiwaangalintaada udhamaystirto.
     
  3. Sidee ayaan kujoojinayaa diwaangalintayda aqoon kororsiga?  
    Waxaad gali kartaa ciwaankaaga MinnesotaWorks.net kadibna aad doorato qaybta "View and Cancel Events" ee Bogga Hore Qofka Shaqo doonka ah. Qaybtaada "Current Registered Events" ayaa soo baxaysa. Dooro qaybta "Cancel" oo kutaala godka "Action" si aad ujoojiso munaasabadaada soosocota. Waxaad helaysaa fariin kuwaydiinaysa “Are you sure you want to cancel this Event?” Dooro “OK” si ad Munaasabada uga saarto liiskaaga "Current Registered Events" intaas kadibna waa agaa saarayaa diiwaankeeda. Haddii aad ubaahan tahay caawimaad dheeri ah, fadlan iimeel udir ama wac goobta CareerForce ee qabanaysa aqoon korosiga si aad uga baxdo diiwaanka.
     
  4. Maxaan aqoon kororsiyo badan ugasoo muuqanayn natiijooyinkayga?​​​​​​​ 
    Waxaa jiro qaabab badan oo lagu baaro aqoon kororsiyada kujira CareerForceMN.com. Waxaad baari kartaa “Upcoming Events” adoo kuraadinaaya goobta kuna qoraaya bogga hore ee barta. 15 Ka aqoon kororsi ee ugu saraysa waxaa lagusoo badhigayaa laynka wareegaaya. Waxaad dhagsiin kartaa qaybta “View more events” si aad usii wado baarista munaasabadaha aqoon kororsiga ee furan, adoo kudaraaya taariikhda ay furmayaan. Raadi goobtaada CareerForce si aad u aragto liiska buuxa ee aqoon kororsiyada lagu baxiyo goobtaas.
     
  5. Sidee ayaan aqoon kororsi usoo galin karaa bartayda?
    CareerForceMN.com Waxay hadda soo bandhigaysaa kaliya aqoon kororsiyada ay abuureen shaqalaha iyo iskaashatada CareerForce ee kujira www.MinnesotaWorks.net. Raadi shaqada munaasabada oo lakordhiyay kuna jirta bogga CareerForceMN.com sanadka 2019.

Raadinta goobaha iyo proud partners

  1. Sidee ayaan uraadinayaa goobta CareerForce? 
    Gal lifaaqa Raadi Goobta oo kujira qaybta sare ee bog kasta oo kamid ah barta CareerForceMN.com kadibna kuraadi cabirka maylka ee bulshada Minnesota ood doorato. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     
  2. Sidee ayaan kuhelayaa CareerForce Proud Partner (Iskaashatada Proud)?
    Gal lifaaqa Lakulan Iskaashatadeena oo kujira salka hoose ee bogga hor ee barta CareerForceMN.com kadibna kuraadi rayga dhextaalka u ah ama cabirka maylka ee bulshada Minnesota ood doorato. Fiiri waraaqda tilmaanta. Daawo muuqaalka kuusheegaay sida aad ufuranayso.
     

Su'aalaha kayimaada Batrooniyaasha

  1. Sidee ayaan shaqo usoo galin karaa bartiina?​​​​​​​
    CareerForceMN.com maaha meel shaqaalaha la iskudhaafsado, marka fadlan booqo barta rasmiga ah ee isku aadinta shaqooyinka Minnesota oo ah www.MinnesotaWorks.net si aad shaqadaada ugaliso.

  2. Managa caawin kartaa inaan shaqaale uhelono shaqo?​​​​​​​
    Haa dabcan! Waxaa booqan kartaa bogga rasmiga ah ee shaqooyinka Minnesota oo ah www.MinnesotaWorks.net si aad shaqo usoo galiso, raadi oo laxariir goobta CareerForce, ama laxariir kooxda gobalka ee CareerForce si ay kuucaawiyaan.
     

Bogaga Interneetka ee Lagu talinaayo

  1. Bartu maleedahay bog interneet oo ay sifiican ugu shaqayso?​​​​​​​
    Waxaan kutalinaynaa noocyadii ugu danbeeyay ee bogaga Apple Safari, Google Chrome, Microsoft Edge ama Mozilla Firefox. Isticmlaayaasha adeegsada farsamada casriga ah ee kaalmaatiga ah waa inay adeegsadaan bog interneet oo kuhabboon labadaba barta CareerForceMN.com iyo aalada kaalmaatiga ah. Fadlan kafiiri talooyinka laxariira bogga interneetka ama tilmaamaha ay bixiyaan qalabkaaga casriga ah ee kaalmaatiga ah.

  2. Kawaran hadaan qabo aalada Internet Explorer? Sidee ayaan kuhelayaa baroowsar kale taas badalkeed?
    Si aad ula jaanqaado hormarka cusub ee tignooloojiyada webseetyada aadna usiino dadka isticmaala CareerForceMN.com isticmaalka aalad badqab iyo amaan leh, umaanaan samayn aalada in lagu isticmaalo barta Internet Explorer. Barta waxaad wali ku isitcmaali kartaa bartaada Internet Explorer laakiin adeegyada aad kahelayso way koobnaanayaan. Waxaad dooran kartaa inaad soo dagso aadna rakibato mid kamid abaroowsarada lagu taliyay. Fadlan laxariir xafiiska caawinta ee IT ga ururkaaga si ay taageero kuusiiyaan.

Maxay xafiiska caawimaada ee CareerForceMN.com kaacaawin karaan?

 

Waxaad wici kartaa 651-259-7501 ama iimayl udiri kartaa CareerForce@state.mn.us si lagaaga caawiyo:

  • Furashada ciwaan
  • Tirtirista ciwaankaaga
  • Xalinta caqabad kaaqabsatay galitaanka webseetka
  • Aruurinta fikradahaaga laxariira qaababka lagu hormarinaayo webseetka
  • Kacaawinta shaqaalaha iyo iskaashatada CareerForce maaraynta kooxda iyo shaqooyinka kale ee webseetka
  • Jadwal usamaynta tababarka shaqaalaha iyo iskaashatada ee goobaha CareerForce