Kafakar guul, Minnesota
A woman holding a sparkler at dusk

CareerForce waxaa loo joogaa inay kaa caawiso

Waxaan nahay illaha hormarinta xirfada iyo isku aadinta kartida ee Minnesota.  Waxaan ku hagnaa dadka shaqooyinka fiican, shaqsiyaadkana waxaan ku xiriirinaa fursadaha suuqa ka jira waxaanna ka caawinaa loo shaqeeyayaasha inay helaan shaqaalaha ay u baahan yihiin si ay u kobciyaan oo ay u barwaaqoobaan ganacsigooda.

Waxaa naga go'an in aan had iyo jeer ka shaqeyno sidii aan kor ugu qaadi lahayn adeegyadeena aan siino loo shaqeeyayaasha, anagoo mudnaanta koowaadna siineyna sinaanta, tikniyoolajiyadda iyo hal-abuurka si aan kula kulanno macaamiisheena halka ay joogaan oo marwalba waxaan ku dadaalnaa sidii aan ugu adeegi lahayn si wanaagsan.

Hal shabakad oo mideysan

CareerForce waa shabakad ganacsi oo loogu talogalay shirkadaha aan faa’ido raadiska ahayn, kuwa dowladeed iyo kuwa aan qaaska loo leeyahayba ee ku suga gobolka Minnesota kuwaas oo ay ka go'antahay inay ka caawiyaan:

CareerForce, shaqsi ahaan, taleefan iyo khadka tooska ah, waxay bixisaa kheyraad loogu talogalay in lagu caawiyo buuxinta baahiyaha dhammaan shaqo doonka iyo loo shaqeeyayaasha ku sugan Minnesota.

 

{"preview_thumbnail":"/files/styles/video_embed_wysiwyg_preview/public/video_thumbnails/9fF2nB-yVRU.jpg?itok=Oclacz5f","video_url":"https://youtu.be/9fF2nB-yVRU","settings":{"responsive":1,"width":"854","height":"480","autoplay":1},"settings_summary":["Embedded Video (Responsive, autoplaying)."]}

CareerForce

Waxaan nahay hormarinta xirfadeed ee Minnesota iyo kheyraadka isweydaarsiga tayada leh oo utaagan inaaan guulaysano. Si aan dadka ugu hagno xirfado abaal marin leh, inaan shaqsiyaadka kuxirno fursadaha, aana bixino macluumaad muhim ah oo kusaabsan dhaqaalaha iyo hormarinta shaqada oo loogu talagalay batrooniyada. Waxaan samaynaa wax kasta oon awoodno si aan ucaawino dadka shaqo doonka ah, batrooniyada iyo bulshada reer Minnesota si ay hormar usameeyaan.

Hal urur oo midaysan

CareerForce waa urur ganacsigu hago oo ka kooban iskaashato kakala socota ganacsiyada gaarka looleeyahay, kuwa dawlada iyo ururada khayriga ah ee kudhaqan dhamaan daafaha Minnesota una taagan inay caawiyaan:

  • In shaqsiyaadka bilaabaan, hormariyaan ama badalaan xirfadooda
  • In batrooniyadu soo jiitaan, hormariyaa ayna ilaalshadaan shaqaalaha xirfada leh
  • In Minnesota dhaqaale ahaan hormaro

Ayadoo laga heli karo tiro kudhaw 50 xarumood oo ay leedahay CareerForce oo laga heli karo gobalka oo dhan iyo barteena khadka qaniga ku ah ee oonleenka ah, waxaad xaqiijin doontaa inaad buuxiso hormarinta xirfadaada ama baahiyahaaga buuxinta xirfada.