hands raised in air

Kubixinta maalgalinta qorshe

Cadad badan oo fursadaha deeq loo tartamaayo ah iyo qandaraasyada adeegyada xirfada/farsamada (PT) ayaa laga heli karaa CareerForce. Haddii aad tahay urur ama koox khayri ah oo kadhisan Minnesota, waxaad codsan kartaa deeqaha loo tartamaayo si aad uhormariso barnaamijyada kor uqaadaaya fursadaha dhaqaale ee dadka aan cadaanka ahayn, haweenka, dadka naafada ah, dadka ciidanka kasoo shqeeyay ama dhalinyarada reer Minnesota.

Booqo baraha deeqaha iyo qandaraashyada tartanka loogalaayo si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato. Waxyaabaha lasoo galinaayo waxaa kamid ah dhamaan deeqaha baxaaya iyo adeegyada biloowga iyo dhamaadka leh ee PT ga. Badhig kasta waxaa kujira sharaxaada kooban ee shaqada iyo lifaaqa Request for Proposal (RFP, Codsiga) ama Request for Application (RFA, Codsiga Codsashada shaqada).

Waxaad sidoo kale booqan kartaa liiska ilaha oonleenka ah si aad u aragto waxa laheli karo ama laxariir CareerForce si aad macluumaad badan uga ogaato fursadaha maalgalinta. Waxaan diyaar unahay inaan kaacaawino codsiyada macquulka ah ee macluumaadka iyo warbixinada kasta iyo qiimaynada si lacag la'aan ah aana siino ururada kajawaabaaya RFPs iyo codsiyada deeqda.