networking event

Kuxirnoow dhabada guushaada

Muhiim maaha meesha aad kagaartay xirfadaada, khadayntu waa qayb muhiim u ah guushaada. Dhab ahaantii, boosas badan waligood lamasoo bandhigo laakiin taas badalkeed waxaa laysku dhaafsadaa hadal ahaan. Sida magacaba kamuuqata, netwaagu waxa uu ubaahan yahay shaqo. Wuxuu ubaahan yahay dareen joogto ah, iskuxir joogto ah iyo caawimaad lagaa siiyo iskuxirkaaga. Halkaan waxaad kahelaysaa tusmo kooban oo kusaabsan waxa aad ubaahan tahay si aad khadaynta qaab fiican ugu samayso:

  1. Kuxirnoow ardaydii hore ee fasalka kula dhigan jirtay, saaxiibada iyo batrooniyada. Laakiin samee xariir intaas kasii balaaran, sidoo kale. Waxaad taas kusamayn kartaa adoo mutadawacnimo kushaqeeya si aad uga shaqayso gole ama gudiga urur aad xiisaynayso inaad kubiirto, iyo inaad qayb kanoqoto nashaadaadka iyo ururkada bulshada.
  2. Tag waraysiyada warbixinta ah. Xariirada aad samayso ayaa laga yabaa inay boos kuukeenin isla markaba, laakiin inaad maanta qof barato ayaa noqon kara xariirka kuusahlaaya inaad cagta saarto wadadii aad bari kugaari lahayd guusha xirfadeed.
  3. Kafakar kulan kasta ama munaasabad kasta fursada khadaynta ee aad mustaqbalka heli karto. Udiyaar garoow waxa aad doonayso inaad kaguul gaarto iyo cida aad doonayso inaad lahadasho. Mararka qaar khadaynta ugu muhiimsan waxay dhacdaa marka aadan rajo badan kaqabin.
  4. Noqo saaxiib iyo raace—waqti gali inaad si dhab ah dadka udhagaysato aadna ubarato dadka. Waxaa intaas sii dheer, xaqiiji inaad raacdo dadka iyo/ama ururkooda adoo kala soconaaya baraha bulshada. Netwaagu waa wado labo gees aada. Waxaad ubaahantahay in dadka kale kugarab istaagaan markaad ubaahan tahay ayna kugu hagaan dhabada saxda ah marka fursad shaqo soobaxdo, adna waxaad ubaahan tahay inaad sidoo kale ayaga usamayso.
  5. Samee aqoon iswaydaarsiga CareerForce adiga oo Linkedln u isticmaalaya sida qalab shabakadeed ama aqoon iswaydaarsi adiga isticmaalaya labadaba shabakada digitaalka ah ee aad kabaari karto xirfadaada iyo tan dhaqanka. Kabaar “Linkedln” ama “Networking” bogga baarista ee bandhiga ee aad kahelayso CareerForceMN.com.

Noosoo sheeg waxa aan kuusamayn karno si aan kaaga caawino iskuxirka dhabadii aad umari lahayd xirfadii guusha ee aad kuqanci lahayd.