Waa maxay nooca wax barashada ama tababarka kugu haboon adigga?

 

 
NOOCA WAXBARASHADA AA TABABARKA QEEXITAANKA WAXBARASHADA AMA TABABARKA MUDADA AY QAADANAYSO IN WAXBARASHADA AMA TABABARKA LAGU DHAMEEYO MARKAAD TAN DHAMAYSO, WAXAAD:
Shahaadada dugsi sare ama mid udhiganta Tani waa aad helayso markaad kaqalin jabiso dugsi sare ama aad dhamayso shahadada dugsi sare oo gaar ah, taasoo caadiyan lagu qaato inaad buuxiso shuruudaha Minnesota Adult Diploma (Shahaadada Dadka Waawayn ee Minesota) ama imtaxaanka GED. Udiyaar garoowga Shahaadada Dadka waawayn ama GED waxay qaadanaysaa ilaa intaad rabto, Adult Basic Education (Waxbarashada Dadka Waawayn ee Aasaasiga ah) ayaa kaacaawin karta inaad udiyaar garoowdo
  • Uqalan shaqooyin badan
  • Gaar heer aad uqalanto galitanaka kuleej ama barnaamijka tababarka shaqo ee dugsiga sare kadib
Adult Basic Education (ABE, Waxbarashada Dadka Waawayn ee Aasaasiga ah) Tan waxaa kamid ah English as a Second Language (ESL, Barashada Ingiriiska oo Luuqadaada Labaad ah ama EL), higso xirfadaha gaarka ah ee dugsiga hoose ama sare sida xirfadaha xisaabta, kumbuyuutarka, akhriska, wax qorista iyo xirfaaha aasaasiga ah ee shaqada laxariira. Waxbarashadaan waxaa laga heli kraan gobalka oo dhan wax qarash ahna uguma fadhido dadka waawayn. Sida ugu oo ah ilaa hal bil ama sida ugu dheer ee aad ubaahato
  • Baro Luuqada Ingiriiska ama kobci aqoontaada luuqada
  • Laba kaclayn kusaee xirfadaha aasaasiga ah
  • Hormari mabaadii'da shaqada biloowga ah
Tababar Muddo Kooban Waxaa jiro caadiyan casharo kooban oo lagu baxsho ururada bulshada ama barnaamijyada dugsiyada kuwaasoo socda muudo labo sano ah ama kayar. Tababarkaan wuxuu kuusahlayaa inaad barato ama cusboonaysiiso xirfadaha softwareka, ganacsiga, luuqada ama xirfado kale. Ilaa 2 sanadood
  • Aqoon uyeelo shaqooyn badan
  • Hormar kasamee irfad shaqo
Shahaado Tani waa shahaado aad kuhelayso qaadashada imtaxaan si aad u cadayso aqoontaada ama xirfadahaaga. Imtaxaan: 1 maalin
Wuxuu ubaahan karaa khibrad shaqo iyo/ama tababar
  • Buuxi shuruudaha shaqada
  • Ahoow qof tartan loogu jiro xirfadaada
Tababar shaqo Tani waa iskudarka tababarka rasmiga ah ee shaqada iyo shaqo si buuxda mushaar laguugu siinaayo. Tababarada waxaa lagu bashaa shaqoyin badan ayadoo looso maraayo batrooniyada, midoowyada iyo ururada. 1 ilaa 6 sano
  • Gal ayb shaqo oo mushaar badan, oo xirfad sare leh
  • Tababar qaado adoo islamarkaasna mushaar helaaya
Shaqo barasho Kani waa tababarka rasmiga ah ee aad goobta shaqada kubarato wuxuuna noqon karaa mid mushaar eh ama aan lahayn. 1 bil ilaa 1 sano
  • Samee xariiro yelo khibrad shaqo
  • Baro xirfada aad xiisaynayso
Shahaado Kuleej Waa shahaado lagu qaato dhamaystirka 2-ama 4- sano waxbarasho ah ood kadhigato kuleej ama jaamacad dawladeed ama mid gaar looleeyahay Caadiyan, 2-4 sano
  • Baro khibradaha xirfado badan oo shaqo
Shahaadada Sare ee Jaamacada

Shahaadada Master-ka ayaa looga baahan yahay shaqooyinka xirfadaha qaarkood, ayna kujiraan shaqooyika qaar ee waxbarista iyo kalkaalinta

Shahaadada Doctorate ayaa loogu baahan yahay shaqooyinka xirfada qaarkood, ayna kujiraan dakhtarka ilkaha, sharciga, daawada, indhaha, daawada iyo daawaynta xoolaha.

Shahaadada Labaad ee Master ka ayaa ubaahan 1-2 sano oo waqti buuxa lagu barsho cilmiga shaqad

Shahaadada Sadexaad ee Dectorate ka ayaa ubaahan 6 sano ama kabadan oo lagu barto cilmiga shaqada

  • Uqalan xirfado gaar ah oo heer sare ah, iyo shaqooyin xirfadeed oo mushaar badan
  • Horumar kasamee xirfada
Hormarka Xirfada Shaqada Tani waa shaqo waxbarasho oo kaacaawinaysa inaad xirfad joogto ah ulahaato shaqadaada. Waxaad xirfadaan kabaran kartaa batroonigaaga, urur shaqaale xirfadeed ama urur kale. Cabirka ayaa kabiloowda 1 maalin ilaa mid joogto ah
  • Cusboonaysii xirfadaha shaqada
  • Buuxi shuruudaha shaqooyin qaarkood iyo batrooniyada qaarkood

​​​​​​​