mature employee

Xirfado qani ah

Dad aad iyo aad ubadan oo reer Minnesota ah ayaa shaqeeya xili dabe oo noloshoda ah. In kabadan 70 boqolkiika dadka reer Minnesota ee da'doodu udhaxayso 55 ilaa 64 way shaqeeyaan, dadka kawayn da'da 55 sano waxay kashaqeeyaan hal kamid ah shantii shaqo oo Minnesota kajirta. Waxaa jiro sababo badan oo arintaan keenaaya. Dadku waxay kunool yihiin nolol dheer oo caafimaad qabta, dad badana waxay ubaahan yihiin inay shaqeeyaan markay gaaraan da'da 60 naadka ama 70 naadka sababo dhaqaale awgood.

Nasiib daro, marka dadka kawayn da'da 50 sano jir ay lumiyaan shaqdooda, way sii adkaan kartaa inay helaan shaqo cusub taasoo udhiganta shaqadoodii hore mushaar ahaan, gunooyika iyo waajibaadka xirfadeed. Inkastoo ay jiraan daraasado tobanaan sano jiray oo sheegaaya inaan da'du aysan daliil u ahayn awooda ama waxtarka shaqo, 60 boqolkiiba dadka wawayn ee shaqeeya waxay lakulmaan ama qabsatay takoor dhanka da'da ah markay joogaan goobaha shaqada, halka 90 boqolkiiba dadkaas ay sheegeen inay tahay wax joogto ah.

Si lagaaga caawiyo kordhinta fursadahaaga helitaanka shaqo kuhaboon khibradaada iyo xirfadahaaga, lahadal khabiirka CareerForce. Waxaad sidoo kale raaci kartaa tilmaantaan:

  • Kashaqee iskuxirkaaga. Dib ugu laabo saaxiibo hore—ayna kujiraan dad aad horay ula shaqayn jirtay oo kamid ah jiilalka yaryar. Kalahadal saaxiibada xariirada muhiimka ah ee ay lahaan karaan. Lana shaqee ururada shaqaalaha iyo kooxaha madaniga ah. Maadaama aan inta badan shaqooyinka aan lasoo dhajin, inaad iskuxir samayso muhiim ayay utahay guushaada.
  • Kudhis xariirkaaga oonleen ahaan. Haddii aadan kujirin barta LinkedIn, inaad iskaqorto ayaa noqon karta talaabadaada koobaad. Haddii aad rabto in lagaa caawiyo furashada ama wax kabadalka bogga aad kuleedahay LinkedIn, daawo tusaalaha oonleenka ah ama balan kaqabso khabiirka CareerForce.
  • Dib uhabee siifiigaaga. Macno ayay samaynaysaa inaad ubadalato qaabka siifiiga shaqada. Tani waxay kuusahlaysaa inaad sookoobto xirfadahaaga iyo guulaha aad gaartay adoon waxkasta kusalaysan shaqo ama sanad gaar ah. Batrooniyaal badan ayaa adeegsada software-rada baaritaanka si ay “dib u eegis ugu sameeyaan” siifiiyada iyo codsiyada kahor intaan qof banii'aadam ah uusan arkin. Haddii aad xirfado gaar ah sheegayso oo qasab u ah shaqada, waxaa suuragl ah inaadan marna gaarin maareeyaha shaqaalaysiinta.
  • Diirada saar guullihii aad dhawaan gaartay. Waraaqdaada codsiga shaqada iyo intaad waraysiga kujirto, diirada saar guulihii aad dhawaan gaartay kuwaasoo hormarka ukeenay batroonigii hore ee aad ushaqaynaysay. Xaqiijina inaad soo koobto tababar kasta ama hormarin xirfadeed oo d dhawaan samaysay taasoo kuhaboon shaqada cusub.

Waxaan sidoo kale macluumaad muhiim ah kahaynaa: