Farshaxan iyo saynis

 

young woman working on her resume

Ujeedada ugu wayn ee siifiigu waa in dadka wax shaqaalaysiiya lasiiyo tilmaan ku aadan xirfadaha aad leedahay. Waxay umuuqataa mid iska cad. Marka maxay qorista siifiga shaqadu dad badan ugu abuurtaa walaac? Jawaabtuna waa iskacadahay sidoo kale: Waxaa kujira siifiigaaga waxyaabo badan ood doonayso marka laga hadlaayo buuxinta hadafyadaada xirfadeed. Warka wanaagsan ayaa ah in CareerForce ay leedahay tilmaamo badan iyo farsamooyin si ay kaaga caawiso qorsita siifii kugaarsiinaaya in waraysi laguugu yeero kuna saaraaya dhabada guusha.

Mid kamid ah waxyaabaha ugu badan ee ay tahay inaad qabato ayaa ah inaad go'aansato nooca siifii ee kuugu habboon. Labada nooc ee ugu badan ayaa ah siifiiga dhacdooyinka lagu qoro iyo kan shaqada (ama xirfadaha kusalaysan)

  • Siifiiga dhacdooyinka lagu qoro wuxuu faahfaahin kooban kabixinayaa taariikhda shaqadaada. Naqshadaan waxay si fiican ugu shaqaysaa haddii aad leedahay taariikh shaqo oo joogto ah oo isku nooc ah aadana raadinayn inad badasho xirfadaada
  • Siifiiga shaqadu wuxuu koobayaa xirfadaha aad leedahay. U adeegso naqshada si aad umuujiso waxa aad taqaano sida loo sameeyo, xataa haddii aysan si toos ah ula xariirin taariikhda shaqadaada. Waa dookha ugu fiican haddii aad badalayso xirfadaada ama haddii aad leedahay xirfad muddo dheer oo aad doonayso inaad soo koobto xirfadaha dheeriga ah ee aad heshay muddo toban ama 15 sano ah.

Talaabooyinka guusha

Ayadoon laga fiirin nooca siifii ee aad doorato inaad abuurto, waxaa jiro dhawr talaabo oo aad qaadi karto si aad uga dhigto shaqadaada siifiia mid guul leh.

Diyaari naftaada:

  • Aqoonso nooca shaqo ee aad rabto inaad hesho kadibna qor faahfaahinta kooban ee sababta aad u aaminsan tahay inaad kuhabboon tahay shaqada
  • Soo aruuri dhamaan khibradahaaga ciidan iyo kuwa shaqada mutadawacnimada ah iyo macluumaadka waxbarashada, ayna kujiraan mudada aad kashaqaynaysay meel kasta, adoo ulaabanaaya sadex ama afar shaqo ama toban ilaa 15 sano oo khibrad ah (ayadoo kuxiran inta ay dhantahay khibrada laga doonaayo shaqada)
  • Iskugeey xirfadahaaga iyo guulahaga, kadibna dhis jumlooyin xoogan oo xirfadahaaga sheegaaya si aad ugu qorto siifiigaaga

Biloow qoraalka:

  • Raadso meel dagan oo kumbuyuutar yaalo si aad ubiloowdo shaqadaada
  • Soo dagso tusaalaha siifiiga oo aad wax kabadali karto hadaad salka kasoo bilabayso kadibna arag tusaalayaasha siifiiga si ay kuu dhiirigaliyaan
  • Adeegso far ay akhrin karaan sysytemyada codsiyada kala hufa, ayna kujiraan Arial, Calibri ama Tahoma
  • Adegso far dhan 10 ilaa 12 balac ahaan kana dhig siifiigaaga hal ama labo bog dheerar ahaan (hadaadan buuxin wax kabadan bogga labaad markaas kusoo koob hal bog)

Soo koob oo yoolka kuhabee:

  • Kacodso saaxiib ama qof qoyskaaga kamid ah inuu akhriyo kuuna sheego haddii siifiigu yahay mid qeexan oo ay fududahay in lafahmo
  • Dulmar kusamee siifiigaaga, adeegso qalabka hinkaada saxa oo iskafiiri khaladaadka dhanka naxwaha ah
  • Xaqiiji inxajmiga farta iyo naqshada qoraalka siifiigaagu iskumid yihiin dhamaan siifiga oo dhan
  • Dulmar liiska siifiga si aad uxaqiijiso inaadan waxba katagin
  • Soo gabagabee sifiigaaga rasmiga ah kadibna abuur naqshado aad udirayso shaqooyin gaar ah oo kafuran aagaaga aadna xiisaynayso

Adeegso:​​​​​​​

  • Xataa haddii aad sidoo kale dirayso codsi, udir qofka aad doonayso inuu shaqo kusiiyo sifiigaaga si ay kaaga caawiso inaad kasoo dhex baxdo codsadayaasha kale
  • Udir siifiigaaga dadka aad ukudartay kuwa tixraaca kuu ah, si ay u ogaadaan noocyada xirfadaha aad kadoonayso inay xaqiijiyaan inaad leedahay
  • Soo qaado siifaga oo keen fursadaha furan lana wadaag dadka aad lakulanto
  • Marka laguugu yeero waraysi, soo qaado koobiyo kugu filan oo siifiigaaga ah si aad naftaada iyo qofka kuwaraysanaaya min koobi uheshaan (haddii ay gudi kuwaraysanayaan, soo qaad koobiga qofkasta oo gudiga kujira)

Arag tusaalayasha iyo tilmaamaha siifiiga:

Waxaan sidoo kale macluumaad muhiim ah kasiinaynaa: