Construction worker shaking hands with foreman on job site

Udiyaar garoow bilaabida nolol cusub

Inaad diiwaan danbi yeelato waxay kunoqon kartaa caqabad inaad shaqo hesho, laakiin kama dhigno inaysan jirin fursado dhab ah ood heli karto. Waxaan doonaynaa inaad hesho waxaad ubaahan tahay si aad nolol cusub ubiloowdo. Halkaan waxaad kahelaysaa macluumaad muhiim ah si uu kaaga taageero baarista xirfadaada.

Baro waxa sharciga ah iyo waxa aan ahayn

Sharciga Minnesota ayaa kadoonaaya iay sugaan inay waydiiyaan qofka diiwankiisa danbiyada ilaa qofka looga doorto inuu waraysiga soo xaadiro ama shaqada waqtiga cayiman lahayd lakordhiyo. Tani waxay kadhigan tahay inaan lagu waydiin karin diiwaakaaga danbiyada markaad foomka codsiga buuxinayso. Haddii lagu waydiiyo inaad waligaa danbi gashay markaad codsiga dirayso, hadaba codsigaas wuxuu xadgudub kuyahay sharciga innesota. Waxaa lagaa codsanayaa inaad soo sheegto xad gudubka noocaas ah aadna kusoo wargaliso Minnesota Department of Human Rights (Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota).

Waxaad sidoo kale booqan kartaa Minnesota State Law Library (Maktabada Sharciga ee Gobalka Minnesota) si aad macluumaad badan uga barato sharciyada laxariira shaqaalaysiinta dadka soo maray danbiyada. Khabiir katirsan CareerForce ayaa kaacaawin kara inaad kashaqayso macluumaadka muhiimka ah.

Si fiican ugu diyaar garoow waraysigaaga

Inta lagu jiro waraysi, batrooniga aad shaqada kacodsanayso ayaa kuwaydiin kara hadii aad fal danbiyeed soo martay. Waxaan kutalinaynaa inaad lashaqayso khabiirka CareerForce si uu kaaga caawiyo diyaarinta jawaabtaada, inaad udiyaar garoowdo waraysiga iyo inaad samaysato dhabihii aad shaqo guul leh uheli lahayd. Hadii aadan awoodi inaad lakulanto khabiirka CareerForce, raac talada soosocota:

  • Macuumaad badan hakabixin danbiga aad gashay
  • Adeegso erayo fudud si ad uqeexdo danbigaaga
  • Si qeexan usheg xirfadaha dabacsan iyo xirfadaha farsamada e aad baratay inaad baxnaaninta danbiga kujirtay
  • Adke sida aad iskaga dhawrtay wax dhibaato ah aadna go'aano wanaagsa ugaarayso naftaada iyo qoyskaagaba
  • Sii xifdi jawaabtaada mar hore si aad diyaar ugu ahaato si aad luuqada saxda ah u adeegsato aadna ku ekaato fariinta inta waraysigu socdo
  • Xasuusi wareysi qaadaha sababta xirfadahaagu u yihiin kuwo kuhabboon booska
  • Kudhamee waraysiga jumlad wanaagsan oo dareen soo jiidasho leh

Fahan waxa ay heli karaanbatrooniyadu​​​​​​​

Waa fikir wanaagsan inaad laqabsato adeegyada gaarka ah ee ay heli karaan batrooniyada shaqaalaysiiya dadka danbiyada soomaray, sida Work Opportunity Tax Credit (Daynta Fursada Shaqada) iyo Federal Bonding (Daynta Federaalka). Khabiir katirsan CareerForce ayaa kugu hagi kara macluumaadkaan kuna tusin kara sida adeegyadaan ay kor ugu qaadi karaan fursadaha aad kuhelayso shaqo.