Man taking notes while working on laptop

Qaas ugu diyaari shaqo kasta

Si aad usoo koobto xirfadaha kaadhigaaya mid ugu habboon shaqo gaar ah (aadna ugu baasto aalada kalahufta codsadayaasha shaqada) waa inaad si qaas ah ugu beegsataa shaqo kasta ood codsanayso siifiigaaga. Qaab cajiib ah oo aad sidaan kusamayn karto ayaa ah inaad abuurto siifii heer sare ah kaasoo aad kuqorto dhamaan khibrada iyo xirfadaha aad leedahay jumlooyin koobaaya. Waxaad markaas iskuxiri kartaa jumladaada kooban kadibna waxaad dooran kartaa ood kala bixi kartaa jumladaha ugu haboon ee khibrada iyo xirfadaha waxaadna iskugu aadinaysaa si aad uwaafajiso shaqo kasta oo aad codsanayso.

Markaad dulmarayso siifiigaaga si aad shaqo gaar ah ucodsato, waxaad ubaahanaysaa inaad si taxadar leh udulmarto qeexitaanka shaqada si aad u aqoonsato xirfadaha laaa doonaayo iyo luuqada uu batroonigu u adeegsado si uu uqeexo xirfadaha. Iskuxir xirfadaha lagaa doonaayo, adoo adeegsanaaya isla luuqada uu batroonigu adeegsado markasta oo ay macquul tahay, markaad abuurayso naqshad kamid ah siifiigaaga oo kaid ah shaqadaan. Kaliya xaqiiji inaad run buuxda kasheego xirfadahaaga iyo khibradaada markaad muraajacaynayso siifiigaaga. Haddii xirfadahaaga iyo khibradaadu aysan waafaqsanayn shuruuda shaqada, sida ugu badan waa inaadan codsan shaqada.

Halkaan ayaad kahelaysaa talaabooyinka aad raacayso si aad siifiigaaga ugu aadiso shaqo gaar ah:

  1. Soo daabaco qeexitaanka shaqada iyo siifiigaaga guud ama dulmar adoo isbarbar dhigaaya shaashada
  2. Akhri qeexitaanka shaqada kadibna soo koob noocyada erayada xirfadaha ugu muhiimsan iyo shaqada ee la adeegsaday
  3. Isku aadi sifiigaaga wayn si aad ugu darto xirfado aad leedahay oo waafaqsan xirfadaha ugu muhiimsan qeexitaanka shaqada
  4. Kudar siifiigaaga khibrad kasta oo kujirta erayada shaqada kuwaasoo ubadan qeexitaanka shaqada
  5. Kubeegso jumladaada kooban shaqada lasoo xayiiysiiyay, adoo adeegsanaaya erayadaas shaqada ee aasaasiga ah iyo xirfadaha ugu muhiimsan ee aad ku calaamadaysay qeexitaanka shaqada
  6. Hadii xirfadaha muhiimka ah lagu qoray shaqada dhawr jeer, markaas waa inaad kuqortaa dhamaan siifiigaaga dhawr jeer si aad ukordhiso tirada waqtiyada systemka kala hufa codsaayaashu u arko dhawr jeer