wheelchair accessible building

Kormeer kusamee goobta shaqada

Uma baahnid inaad adigu kusoo wareegto caawimaadaha goobta shaqada. Anagaa kucaawin karna.

Waxaad xaq uleedahay in muhiimad cadaalad ah laguu siiyo boos kasta oo aad uqalanto. Americans with Disabilities Act (Sharciga Naafada Maraykanka) ayaa xarimaaya in batroonigu kutakooro shaqaale codsade shaqada uqalmo ah sabab laxarirta inuu naafo yahay. Sharcigaan wuxuu qabanayaa batrooniyaasha gaarka ah ee ay ushaqeeyaan 15 shaqaale ama kabadan iyo shaqaalaha dawlada hoose iyo kuwa gobalka. Batrooniyaasha federaalka waxaa qasab ku ah inay raacaan xeerar iskumid ah oo kadhan ah takoorka sida kucad Rehabilitation Act (Sharciga Baxnaaninta).

Codsade naafo ah, si lamid ah codsadayaasha kale, waa inuu awood uyeeshaa inuu buuxiyo shuruudaha batrooniga ee shaqada, sida waxbarashada, tababarka, khibrada shaqada, xirfadaha iyo shatiyada. Waxaa intaas siidheer, codsadaha naafada ah waa inuu awoodaa inuu qabto hawsha muhiimka ee shaqada—waajibaadka aasaasiga ah—si iskiis ah ama asagoo caawimaad kahelaaya kaalmada kuhaboon. Hase yeeshee, batrooniga qasab looguma lahan inuu caawimaad culays asaga ku ah siiyo naafada, taasoo dhibaato ama qarash wayn ku abuuraysa batrooniga.

Halkaan waxaad kahelaysaa dhawr ilood oo kucaawin kara: