partners shaking hands

Kusoo dhawoow barwaaqo!

Waxaa jiro labo nooc oo iskaashatada CareerForce aha: CareerForce Proud Partner (Iskaashatada Proud) iyo Community Partner (Iskaatada Bulshada). Labaduba waxay qayb kaqaataan natiijooyinka guusha ah ee ay helaan dadka shaqo doonka a, batrooniyaasha, bulshooyinka iyo Minnesota.

CareerForce Proud Partner (Iskaashatada Proud)

Waa maxay CareerForce Proud Partner?

CareerForce Proud Partner (Iskaashatada Proud) waa urur maalgalin kahela CareerForce si ay ubaxiyaan adeegyo buuxinaaya baahiyaha shaqalaaha ee bulshada, iyo sidoo kale Barnaamijyada Aasaasiga ah ee kucad Workforce Innovation and Opportunity Act (WIOA, Sharciga Hal abuurka Shaqalaaha iyo Fursada). Adeegyada Proud partner waxaa lagu bixin karaa gudaha ama banaanka xarunta CareerForce. Maalgalinta CareerForce ayaa ka imaan karta Department of Employment and Economic Development (DEED, Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha) ama gudiyada hormarinta shaqaalaha ee Minnesota.

Maxay keenaan?

CareerForce Proud Partners (Iskaashatada Proud) waxay keenaan iro badan oo adeegyo ah oo lasiiyo dadka shaqo doonka ah iyo batrooniyaasha, ayna kujiraan:

  • Qorshaynta xirfada
  • Tababar iyo waxbarasho
  • Caawimaada dhanka baarista dadka shaqo doonka ah lasiiyo
  • Caawimaad wayn oo dhanka adeegyada shaqada ah
  • Caawimaada dhanka qorista iyo haysashada shaqaalaha o lasiiyo batrooniyada
  • Qorshaynta hormarinta shaqaalaha

Community Partner (Iskaashataha Bulshada)

Waa maxay Community Partner (Iskaatada Bulshada)?

Community Partner (Iskaatada Bulshada) waa urur katirsan waaxda dawlada, waaxda gaarka looleeyahay, mid bulshadu leedahay, mid kooxaha diintu leeyihiin ama urur ama urur khayri ah oo baxsha adeegyada shaqada iyo adeegyada lasiiyo dad waynaha. Kama helaan wax maaliyad ah CareerForce ama Gudi kale oo Maxali ah oo kashaqeeya Shaqaalah minnesota.

Maxay keenaan?

Community Partners (Iskaatada Bulshada) waxay baxshaan adeegyo aad ubalaaran, ayna kujiraan:

  • Taageerada Shaqada
  • Waxbarasho
  • Tababar
  • Adeegyada gacansiinta ee shaqada
  • Adeegyada ganacsiga iyo hal abuurka ganacsiga

Nalasoo xariir si aad macluumaad dheeri ah uhesho.