sparking energy

Maalgalinta CareerForce

CareerForce waxay heshaa maalgalin katimaada federaalka iyo heer gobal si ay ufuliso barnaamijyada tababarka shaqaalaha ee Minnesota. Maalgalinta federaalka—sida kuwa ay bixiso U.S. Department of Labor (Waaxda Shaqaalaha ee Maraykanka)—ayay heshaa Minnesota kadibna waxaa lasiiyaa 16 deegaan oo kashaqeeya hormarinta shaqaalaha oo maxali ah. Maalgalinta gobalka axaa baxsha Sharci Dajinta Minnesota oo bixisa halmar oo joogto ah. Maaliyadahaan waxa asi toos ah loosiin karaa urur ama waxaa lagu qaybin karaa fursadaha deeqda oo lootartamaayo kuwaasoo ufuran ururada khayriga ah iyo kuwa bulshada.

diverse group of workers

Taageerada CareerForce

CareerForce waxay taageero kaheshaa Workforce Innovation and Opportunity Act (WIOA, Sharciga Hal abuurka Shaqaalah iyo Fursada). WIOA waa sharci heer federaal ah oo haga hanaanka shaqaalaha. Sharciga WIOA, gobal kasta wuxuu samaystaa qorshe heer goba ah, gudi kormeer sameeya iyo xarumo heer gobal wuxuna aqoonsadaa waaxyada muhiimada gaarka ah leh ee ganacsiga. Gudiyada maxaliga ah ee hormarinta shaqaalaha waxay diirada saaraan dhaqaalaha gobalka, ayna kujiraan xarumaha kormeerka iyo jihooyinka ee CareerForce. Dhamaadka, waxay kusoo ururaysaa garab siinta dadka shaqo doonka ah iyo batrooniyaasha wax shaqaalaysiiya ayadoo si wanaagsan umaaraynaysay lacagta ay baxshaan canshuur bixiyaashu.

Qorshaha Minnesota ee sharciga WIOA wuxuu dirad asaaraa labo yool oo aasaasi ah:

  1. Yaraynta farqiyada dhanka waxbarashada, tababarka xirfadaha iyo shaqada ee kadhex jira bulshada kuna salaysan isirka, naafada, dhalinta latakooray ama jinsiga qofka.
  2. Dhisida iskaashi ganacsi oo ay hogaanka uhayaan dadka wax shaqaalaysiiya kaasoo balaarinaaya dhabada xirfada si ay shaqadu unoqoto mid iskudhafan jinsi ahaan, isir ahaan iyo naafada si loo buuxhso baahiyaha ganacsiyadu uqabaan shaqaale xirfad leh.

Macluumaad badan hel adoo akhrinaaya qorshaha Iskudhafan ee WIOA da gobalka Minnesota.