mature male veteran

Baro xaquuqdaada

Hadaad hada kashaqayso ama aad kashaqayn jirtay qaybaha ciidanka milatariga, waxaad heshay tiro xaquuq iyo gunooyin ah. Qaybta soosocota ayaa tilmaamaysa tiro sharciyada federaalka iyo gobalka ah kuwaasoo muhiim ah inaad ogaato intaad kobcinayso xirfadaada madaniga ah.

Sharciga Federaalka

Uniformed Services Employment and Reemployment Rights Act (Sharciga Xaquuqda Shaqada Adeegyada Yunifoomka leh iyo Dib Ushaqaaysiinta)

The Uniformed Services Employment and Reemployment Rights Act (Sharciga Xaquuqda Shaqada Adeegyada Yunifoomka leh iyo Dib Ushaqaaysiinta) oo soobaxay 1994 waa sharci heer federaal ah kaasoo loogu talagaly in lagu xaqiijiyo in dadka kashaqeeya ama kashaqayn jiray qayb uun kamid ah milatariga, ayna kujiraan ciiwanka kaydka ama National Guard (Ilaalada Qaranka), aysan:

  • Noqon kuwo Dhibaato Kuqaba xirfadahooda rayidka ah sabab laxariirta adeegga ay horay, hadda ama mustaqbalka kaqaban doonaan milatariga
  • In Isla markaba laga shaqaalaysiyo xirfadooda shaqooyinka madaniga ah markay kasoo laabtaan shaqada ciidanka

Sharciga Minnesota

Statute (Qaanuunka) Minnesota § 192.34 ayaa xaaraan kadhigaaya takoorka shaqada oo lagu saleeyo adeegga milatariga

Sharciga Minnesota wuxuu difaacayaa xubnaha katirsan ciidanka milatariga in shaqada laga cayrsho sabab laxariirta inay kaqaybgaleen waajibaad milatari oo saarnaa. Waa sharci daro in batroonigu cawaaqibyo xun ugu hanjabo shaqaale doonaayo inuu iskaqoro milatariga.

Statute (Qaanuunka) Minnesota § 181.535 ayaa kaxarimaaya batrooniga inuu shaqaalaha wax kawaydiiyo inuu soo maray ciidanka kaydka ama Ilaalada Qaranka hadii ujeedada batroonigu tahay inuu takooro codsadaha

Minnesota wuxuu udiidayaa batrooniyada inay codsadaan macluumaad kusaabsan shaqada qofku kaqabto milatariga gar ahaana hadii bartoonigu u adeegsan doono macluumaadkas inuu kudiido shaqaalaysiinta ama uu dalacsiiyo qofka waraysiga laga qaadaayo. Tani ma qusayso shaqalaaha dawlada oo qofka kacodsanaaya macluumaadkaan si ay ugo'aanshaan in dookhyada qofka hawlgabka ah ay kujiri karaan.

Statute (Qaanuunka) Minnesota § 197.455 ayaa doonaaya in si gaar ah shaqo iyo dalacsiin loogu sameeyo dadka dalka usoo halgamay ee codsanaaya shaqooyinka dawlada ee Minnesota

Ubnaha dhawaan kashaqayn jiray ama hadaba kashaqeeya milatariga ayaa xaq uleh muhiimad siinta shaqaalaysiinta si kabadan dadka aan dalka usoo halgamin ee lashaqaalaysiinaayo loona dalcsiinaayo boosaska shaqada ee dawlada Minnesota. Shaqada dawlada waxaa looga jeedaa shaqo kabanaan gobalka, degmada ama dawlada hoose.

Statute (Qaanuunka) Minnesota § 197.4551 ayaa siinaaya batrooniyaasha ganacsiga gaarka looleeyahay inay muhiimada siyaan dadka dalka usoo halgamay marka shaqaalaysiinayaan ama dalacsiinayaan shaqaale

Batrooniyasha ganacsiga gaarka looleeyahay ayaa muhiimado dhanka shaqaalaysiinta iyo dalacsiinta ah siin kara halgamaayaasha, marka axaqiijiyo in muhiimada noocaas ah aysan xad gudub ku ahayn sharciyada maxaliga ah ama gobalka ee fursadaha shaqada loosiman yahay. Sharci Minnesota ayaa sidoo kale oggol in dadka loo shaqeeyo inay siiyaan deeq lamaanayaasha laga dhintay ama kuwa naafada oo leh khibrad shaqo.

Statute (Qaanuunka) Minnesota § 197.46 waxay siinaynaa dalacsiino dheeri ah dadka dalka usoo halgamay ee kashqeeya boosaska dawlada ee Minnesota

Sharciga Minnesota wuxuu difaaca shaqada dawlada siinayaa dadka horay ugasoo shaqeyay ciidanka milatariga, yna kujiraan difaac dheeri ah oo laga difaacaayo in xubnaha ciidanka kasoo shaqeyay laga joojiyo shaqada ayagoo aan wax khalad ah galin.

Statute (Qaanuunka) Minnesota § 192.325 wuxuu xarimayaa takoor lagula kaco qoysaska iyo xubnaha ciidanka kashaqeeya

Sharciga Minnesota wuxuu kaxarimayaa batroniyaasha inay shaqada kacayriyaan ama ay kaqaadaan talaabo kale oo ganaa oo dhanka shaqada shaqaale sabab laxariirta in xaaska, waalidka ama ilmaha shaqaaluhu kamid yahay ciidanka milatariga. Batrooniu waa inuu sidoo kale siiyaa waqti usan mushaar bixinayn shaqaalha si uu uga qaybgalo xafladaha bixitaanka iyo soo noqoshada iyo diyaarinta qoyska ama munaasabadaha kale ee rasmiga ah kuwaasoo looqabto xubin katirsan qoyska oo milatariga kujira.

Halkaan ayaad kahelaysaa ilo dheeri ah si ay kaaga caawiyaan dhisida guusha xirfadaada: