Manufacturing professionals

Dadka wax kaadalbanayaa

Batrooniyaal badan ayaa kaacodsanaaya liiska tixraaca dad damiin ah. Caadiyan, dadka shaqada codsanaaya ayaa keena sadex ama afar qof oo tixraac u ah, laakiin shaqooyinka qaar ayaa intaas kabadan dalban kara.

Si guud, waxaad ubaanahaysaa inaad doorato tixraacyo buuxiya shuruudahaan:

  • Qof si dhaw kuula shaqeeyay fikir wanaagsana kaqaba xirfadahaaga
  • Qof si fiican looyaqaan oo nidaamsan, si ay si muuqata uga hadlaan xirfadahaaga
  • Waa inuusan noqon qaraabo, waayo batrooniyaashu waxay su'aal galinayaan daacadnimadooda

Waxaa jiro afar nooc oo tixraacyo:

  • Kuwo shaqada laxarira: kormeere toos a ama saaxiib shaqo oo kashaqeeya shaqadaada hadda ama hore, ama macmiil hore
  • Kuwo xirfadeed: qof aad sifiican utaqaano oo kamid ah urur xirfadlayaal, koox madani ah ama urur bulsho
  • Kuwo aqoneed: barafasoor, macalin ama lataliye kaasoo ahaa ama ah mid sidhaw ugu taxaluqa waxbarashadaada (tani waxay kaliya qusaysaa ardayda hadda dhigta ama ardayda dhawaan qalin jabisay)
  • Mid shaqsi ah: saaxiibo ama daris aad sifiican utaqaano (tani waxay kaliya qusaysaa hadaad haysato khibrada shaqo bilaa mushaar ah aa loobaahdo qof tixraac ah oo kahadli kara dabeecadaada)

Xeerarka tixraaca:

  • Markasta fasax kaqaado qofka intaadan tixraac kadhigan
  • Balaari macluumaadka kugu saabsan adoo dooranaaya dad tixraac kuunoqdo oo kaladuwan, sida kormeere kashaqeeya shirkada aad hadda ushaqayso, saaxiib shaqo oo kashaqeeya shirkad aad horay ugu shaqayn jirtay iyo xariirka xirfadle
  • Xaqiiji inaad siinayso batrooniyada aad doonayso inaad ushaqayso macluumaadka ugu muhiimsan ee lagala xariiraayo dadka tixraaca kuu ah
  • Soo raaci tixraacyadaada ayagoo ah koobiga sharaxaada shaqada iyo siifiigaaga hadda si ay uga caawiso ayaga inay diyaarshaan
  • Udir qoraal mahadcelin ah dadka tixraaca kuunoqday kadib marka batrooniga aad shaqada kacodsatay uu ayaga waco
  • Qoraal kale oo mahadnaq ah udir hadii aad hesho booska shaqada