grocery store employee

Aprenda sobre planes individuales de desarrollo de empleados

Batrooniyaal badan oo kashaqeeya qaybaha kaladuwan ee ganacsiyada ayaa shaqaalaysiiya dhalinta rer Minnesota. Kudhawaad hal kamid ah shantii shaqalae ah oo kashaqeeya warshadaha caawimaada iyo adeegyada cuntada ayaa ah kuwo da'doodu udhaxayso 16 iyo 19 gudaha Minnesota. Qaybaha farshaxanka, madadaalada iyo nasiinada (hal kamid ah shantii shaqaalaha ayaa jiro da'da 16-19), ganacsiga tafaariiqda gada (hal kamid ah lixdii shaqaale ah) iyo beeraha (hal kamid ah sideedii shaqaale ahba) ayaa sidoo kale qorta tiro badan oo shaqaale dhalinyaro ah.

Marka lagasoo tago barashada xadidaadaha sharciyada gobalka iyo federaalku ay saarayaan mushaarka, saacadaha shaqada iyo noocyada shaqada ee shaqaalaha kayar da'da 18, sidoo kale waa in batrooniyadu kafakaraan baahiyaha kormeerka iy tilmaanta gaarka ah markay maamulayaan kurayda.

Badqabka ayaa ah muhiimada koobaad

Inkastoo kurayda laga mamnuuci karo adeegsiga qalabka ugu halista bdan ee goobtaada shaqada, waxay wali ubaahan yihiin tababarka badqabka oo dhamaystiran iyo xasuusino dhanka badqabka oo joogto ah. Shaqaalaha da'doodu tahay 15-19 waxay galaan wax kabadan labo jibaar qolalka qaada arimaha degdega ah sababo laxariira dhaawacyo kasoo gaara shaqada marka loo barbardhigo dadka jira 25 ama kasii wayn, sida uu sheegay National Institute for Occupational Safety and Health (Machadka Qaran ee Caafimaadka iyo Badqabka Shaqada). Tan waxaa keenaaya inaan kuraydu qabin khibrad shaqo uu sidaas uwayn, mhaystaan khibrada nolosha oo lamid ah dadka waawayn, waxayna ubadan yihiin inaysan ogaynba in qalabka ay kushaqaynayaan yahay mid khatar ah. Batrooniyada qaarkood ayaa usheega kurayda kayar 18 sano jir inay xidhaan shaarar midab gaar ah leh si ay dusha ugala socdaan inay qabanayaan shaqo gaar ah ama ay kashaqaynayaan mashiin gaar ah. ​

Waxbarashada ayaa ah furaha

Kuraydu aad bay ugu fiican yihiin waxbarashada waxayna ubadan tahay inay macluumaadka lasiiyo markiiba xifdiyaan. Laakiin inaad siiso buugaagta tababarka kurayda waxaa laga yaabaa inuusan ahayn qaabka ugu fiican ee aad kuxaqiijinayso inay bartaan dhaqanka shirkadaada ee laxariira adeegga macaamiisha, sida loogu shaqeeyo qalabka culus ee shaqada iyo noocyada maadooyinka lagu daro pizza da qaaska ah ee guriga. Ayadoo la adeegsanaayo tababarka iskaa ah ee kooxaha, taxanayaan kooban oo lagu bixinaayo casharada tababar oonleen ah ama mawduucyo tababar oo joogto ah oo lagu diro fariin qoraal ayaa noqon kara mid waxtar leh. Dabcan, Majiraan wax buuxin kara booska uu buuxsho kormeeraha laqaadanaaya waqti qof iyo qof ah shaqaale kuray ah si loo xaqiijiyo inuu fahmay waxa laga doonaayo inay sameeyaan ayna bartaan inay door muhiim ah kuleeyihiin ururka.

Kadhig kurayda kuwo shaqada usoo jeeda

Kurayda ayaa inta badan ushaqeeya inay lacag uhelaan wax ay rabaan inay so iibsadaan ama sameeyaan. Laakiin kuray badan ayaa shaqadooda ujeedo kaleh, sidoo kale. Waxay doonayaan inay arkaan sida shaqadooda hadda ay utahay talaabo ay uqaadayaan dhabada waxbarashadooda mustaqbalka ama yoolakooda xirfada. Waa maxay xirfadha ay kuraydu kabaran karaan goobtaada shaqada kuwaasoo caawin doona noloshooda mustaqbalka? Waa maxay talada aad siin karto? Waxaa intaas dheer, maadaama in kuraydu ay yihiin dhalin yaro, waa muhiim inaad shaqadoda (si macquul ah) kadhigto mid baashaal ah oo khibrad bulsho ay kahelaan.

Amaan shaqadooda

Marka shaqaalaha dhalinta ah ay shaqadooda u qabanayaan si wacan, xaqiiji inay—iyo dadka lashaqaynaayaba—ay og yihiin. Kasheeg shaqadooda wanaagsan kulanka shaqaalaha si aad ukordhiso kalsoonidooda. Abaalmarin sii kurayda shaqada sida fiican ugasoo baxa adoo siinaaya shaqada ay doortaan ama fursado qaas ah. Tusaale: inaad gayso munaasabad heer sare ah ama aad ukaxayso booqasho uu ugu tago macmiilka leh alaabta uu kuraygu gacanta kagaystay iibtintooda.

Arimaha maaraynta

Kuraydu, marka waxaas dhan lagasoo tago, waa kuwo kucusub aduunyada shaqada. Marka, hala yaabin haddii aad waajahdo xaalado gaar ku ah kooxda da'dooda ah, sida in waalidku imaadaan marka kurayga waraysiga shaqada laga qaadaayo ama mararka qaar gaaf wareegaaya goobta shaqada. Tani waxay ka dhaqdaa xarumaha batrooniyaasha shaqalaysiiya kurayda. Kuraydu waxa sidoo kale ubaahan yihiin in xasuusin badan laga siiyo muhiimada inay waqtiga saxda ah yimaadaan shaqada, kormeer badan marka ay timaado inay isticmalaan aaladaha oobilka ayagoo shaqada kujira iyo lasiiyo tilmaamo gacan qabasho ah si ay usoo gudbiyaan kaarkar waqtia. Xeerarka goobta shaqada oo loo arko kuwo joogto ah oo si fudud lagu heli karo si shaqsi ah ama oonleen ahaan ayaa kcaawinaaya shaqaalaha kurayda ah inay bartaan waxyaabaha laga filanaayo iyo inay kashaqeyaan dhalintooda.

Dalabaad badan

Kurayda ayaa kashaqayn kara jadwalada dugsiga, ciyaaraha iyo nashaadada, marka waxay shaqo bilaabi karaan ayagoo og inay shaqayn doonaan bilo kooban. Shaqooyinka xiliga kuleelaha ayaa tusaale fiican u ah arintaan, waana xiliga tirada ugu badan ee kuraydu kashaqeeyaan gudaha Minnesota. Batrooniyaasha ayaa kudhiirigalin kara shaqalaaha kurayda ah inay muddo cayiman shaqeeyaan si ay uhelaan shaqale laqiyaasi karo. Ama haddii kurayda qaarkood muujiyaan inay yihiin shaqaale waxtar badan, waxaad siin kartaa jadwal dookhyo leh si ay kuugusii shaqeeyaan muddo dheer. Dabcan, kadhigida shaqada mid baashaal leh, dadaal iyo macno badan leh ayaa gacan kagaysanaysa in dhalintu shaqada kusii jiraan muddo dheeraad sidoo kale.

Halkaan waxaad kahelaysaa dhawr ilood oo muhiim ah: