construction workers shaking hands

Fursad shaqo loosiman yahay

Waxaa jiray kor ukac wayn oo kuyimid tobanaankii sano ee lasoo dhaafay tirada batrooniyaasha marsiiya baaritaanka shaqsiyada shaqaalaha ay qoranayaan. Taas ayaa aad ugusii adkaynaysa dadka danbiyada soo maray inay shaqo helaan, ayadoon laga fiirinayn nooca danbiga ay galeen iyo mudada kasoo wareegtay. Arintaan ayaa samayn kuyeelatay dad badan oo Career Seekers (shaqo doon ah), gaar ahaana dadka aan cadaanka ahayn. Dhab ahaantii, kudhawaad hal kamid ah sadexdii qof oo Maraykan ah oo dad waawayn ah ayaa looxiray ama lagu xukumay danbi, sida kucad macluumaad kasoo baxay FBI.

Qaar badan oo kamid ah dadkaan shaqo doonka ah ayaa aad ugu diyaarsan inay shaqada kuqabtaan xirfado qiimo leh, laakiin waxay kaliya ubaahan yihiin in fursad cadaalad ah loosiiyo shaqaalaysiinta. Waxay ubaahan yihiin batrooniyaal ay dhab katahay inay kacaawiyaan kaguul gaarista xirfadooda cusub ama ay dib ubilaabeen. Hoos waxaa kuqoran macluumaad muhiim u ah batrooni kasta oo diyaar u ah inuu shaqalaysiiyo qof danbi soo maray.

Sharciga “Ban the box (Mamnuc Bokiska)”

Sharciga Minnesota ayaa kadoonaaya dhamaan batrooniyaasha inay sugaan inay waydiiyaan codsadaha diiwankiisa danbiyada ilaa qofka looga doorto inuu waraysiga soo xaadiro ama shaqada waqtiga cayiman lahayd lakordhiyo. Sharcigaan “ban the box” wuxuu kadhigan yahay inaan batrooniyaashu aysan kuwaydiin karin foomka codsiga in qofka laxiray ama danbi lagu xukumay iyo inkale. Batrooniyaasha kuxadgudba sharcigaan waxaa lagusoo rogi karaa ganaax.

Sharciga mamnuucida bokiska Minnesota waaa loogu talagalay in loogu fududeeyo codsadayaasha shaqada ee soo maray xabsiga ama xukunka danbiga in lagu qiimeeyo xirfadhooda iyo khibradooda kahor intaan lafiirin diiwaankooda danbiyada. Sharcigaan ayaa sidoo kale wax kaqabanaaya cadaalad darada dhanka shaqada isirka kusalaysan, waayo xabsiga iyo cadadka takoorku waxay kubadan yihiin dadka aan cadaanka ahayn. Minnesota yaa qabta qaar kamid ah kalasooca dhanka isirka ee ugu badan dalka ee dhinacyada shaqada iyo natiijooyinka dhaqaalaha.

Sharciga Minnesota kama doonaayo batrooniyada ganacsiga gaarka looleeyahay inay shaqaalaysiiyaan ama dookh siiyaan qof danbi soo maray. Batrooniyada ayaa wali samayn kara baaritaanka shaqsiyada qofka kahor intaysan shaqaalaysiin qof shaqo soo codsaday, marka laxaqiijiyo in baaritaanku dhaco kadib marka qofka shaqada soo codsada lawaraysto ama uu helo shaqada shardigu kxiran yahay ee lakordhiyay.

Kudhaqanka sharciga Minnesota ee mamnuucida bokiska kama dhigna kudhaqanka sharciyada federaalka ama gobalka ee takoorka laxariira xeerarka baarista shaqsiyada danbiyada qofku soo maray. Batrooni ayaa kuxad gudbi kara sharciyada kadhanka ah takoorka haddii batroonigu macluumaadka taariikhda danbiyada qofku soo maray ula dhaqmo si kaladuwan codsadayasha kaladuwan ama shaqaalaha sabab laxariirta isirkooda ama wadanka ay kasoo jeedaan.

Halkaan waxaad kahelaysaa ilaha macluumaad dheeri ah oo laxariira diwaanada danbiyada: