Business meeting

Dhaqanka ayaa muujiya dabeecada

Inaad joogto meel wanaagsan ood kashaqayso ayaa door wayn kaciyaarta guushaada. Waana taas sababta dhaqanka goobta shaqadu aadka muhiim ugu yahay. Dhaqanka goobtaada shaqadu waa iskudarka mabaadii'daada, waxyaabaha aad aamin santahay, habdhaqanadaada, fikradahaaga iyo dabeecadahaaga. Waxaa lagu muujiyaa sida dadku isku dhexgalaan ayna iskula dhaqmaan, sida ugu wacan ee ay uga wada shaqeeyaan hadaf guud, iyo dareenka ay kaqabaan shaqada ay hayaan.

Inaad lahaato dhaqan wanaagsan e goobta shaqada waa qayb kamid ah inaad noqoto batrooniga dadku dooranayaan—oo ah in laguu arko meel dadku ay doonayaan inay si firfircoon uga shaqeeyaan. Waa muhiim waayo dhaqanka wanaagsan ee goobta shaqadu wuxuu kaacaawinayaa:

  • Inaad soo jiidato aadna dhawrato xirfada
  • Inaad kor uqaado wada shaqaynta iyo iskuxirnaanta shaqaalaha
  • Inaad kor uqaado wadashaqaynta aadna kordhiso wax soosaarka
  • Inaad soo bandhigto hal abuur iyo wax curin

Nasiib daro, ururo badan ayaa u ogolaada in dhaqanka goobtoodu dhismo ayagoon si qeexan udajin waxa uu noqonaayo. Habdhaqanka dhexdhexadka ah ama xun iyo fikradaha ayaa noqon kara kuwo joogto noqda. Waana xiligaas marka loobaahan yahay isbadal xoogan. Isbadalka dhaqanku wuxuu ubaahan yahay dadaal muddo dher oo hogaanku sameeyaan iyo in dareenka shaqalauhu kuqanco.

Halkaan ayaad kahelaysaa talaabooyin aad kubiloowdo:

1. Qiimee dhaqankaaga hadda jira. Si dhaw uqiimee goobtaada shaqada oo warayso shaqaalahaaga. Kafakar adeegsiga xog aruurin nidaamsan oo kooban.

  • Kusoo wareeg goobtaada shaqada adoo kufiirinaya indhaha kormeere rasmi ah. Sawiro inaad tahay shaqaale cusub oo arkaaya waxa meesha kajira markisii koobaad. Maxaad ka ogaatay qaabka boosaska oo habeeyay, goobaha dadku shaqada kahayaan, sida dadku isdhexgalaan? Dadku inta badan mawaxay isku waraystaan si fool-ka-fool ah mise iimeelo ama qoraalo ayay kuwada hadlaan? Waa maxay codka xariiradaan?
  • Adoo adeegsanaaya waraysiyada kooxo yaryar, kala hadal shaqaalahaaga dhaqanka goobtaada shaqada. Waydii sida ay kuqeexi karaan ururka ka shaqaale ahaan ama saaxiib ahaan. Ogoow waxa ay ugu jecel yihiin ururka iyo waxa ay ugu jecelyihiin in isbadal lagu sameeyo. Waydii nooca dadka ee ugu badan—iyo kuwa ugu yar—ee goobtaas kaguul keenay.
  • Xog aruurinta ayaa macluumaad dheeri ah kusiin karta waxaana lagusoo koobi karaa su'aalo kudhisan kormeero iyo waraysiyo. Marka la isku qaado dhamaan, aaladahaan qiimayntu waxay gacan kagaysan karana aqoonsiga awwoodaha iyo taageerada dhaqanka shaqada ee aad horay usamaysay. Waxay sidoo kale gacan kagaysan kartaa awdida daldaloolada jira iyo samaynta isbadal. Hadaa kacodsato shaqaalaha inay kaqaybgalaan xog aruurin, diyaar u ahoow inaad fuliso natiijooyinka fikradahooda kadhasha.

2. Abuur qorshaha dhaqanka. Markaad ogaato meesha aad maanta marayso, waxaad qorshayn kartaa meeshaad gaarayso bari. Qiimayn kusamee shaqooyinka ururkaaga, higsigiisa iyo mabaadii'diisa adoo raacinaaya qorshaha xeeladaada aad ku xaqiijinayso inay dhamaan iswaafaqaan. Waxaa jiro ilo badan oo oonleen ah kuwaasoo udiyaarsan inay kaacaawiyaan abuurista qorshayaashaan aadna umaarayso isbadalka.

3. Abuur iskuxirnaan wanaagsan. Xariir furan, waxtar ah oo daacad ah wuxuu fure uyahay abuurista dhaqanka goobta shaqada oo wanaagsan. Waxay kubilaabataa qeexista iyo hufnaanta katimaada hogaamiyaasha iyo maamulayaasha. Dadka kashaqeeya dhamaan ururka waxay ubaahan yihiin inay dareemaan qanaaco ay kuqabaan kafalcelinta iyo kahadalka walaacyada ay qabaan. Fursadaha isbadalka dhaqanka bulshada waa in lataageeraa. Xeerarka iyo hanaanada xalinta cabashooyinka—ayna kujiraan inaan marna loo dulqaadan xoog sheegashada iyo dhibaataynta kadhacda goobta shaqada—ayaa ubaahan kara in la cusbonaysiiyo si cadna loogu sheego dhamaan shaqalaaha.

4. Xaqiiji Iskudhafka Goobta Shaqada. Goob shaqo oo wanaagsan, shaqaale kasta wuxuu dareemaa soo dhawayn, qadarin iyo taageero lasiiyo, ayadoon laga eegayn isirkiisa, da'diisa, jinsigiisa, dookhiisa galmada, diintiisa, shaqsiyadiisa, naafadiisa jireed ama xanuunka dhanka dhimirka. In goobtu noqoto mid iskudhafan ayaa saamayn kuyeelan karta dookhyada kuxeeran astaanta ganacsiga iyo dhismaha iyo naqshada goobta shaqada, iyo sidoo kale iibka qalabka. Waxay sidoo kale saamayn kartaa tababarka hufnaanta dhaqanka waxayna muujinaysaa fikradaha qaloocan ee jira. CareerForce waxay kaacaawin kartaa batrooniyaasha helitaanka macluumaad iyo adeegyo.

5. Kacaawi shaqaalaha inay wax bartaan ana kobac sameeyaan. Goob shaqo oo wanaagsan waa mida kacaawisa shaqalaaha inay balaariyaan awoodooda ayna kobciyaan xirfadahooda. Abuurista qorshaha hormarinta ee shaqaale kasta ayaa ah meel wanagsan ood kabilaabi karto

6. Diyaari abaalmarino iyo aqoonsiga dadaalada. Xaqiji inaad samayso tababaro, dalacsiino, qiimaynada dadaalka qofka, aqoonsiga dadaalada iyo tababarada shaqaalaysiinta ayaa dhamaan tiirar u ah dhaqanka aad doonayso inaad aburto. Abuur hanaano abaal marinaaya habdhaqanada aad doonayso inaad dhiirigaliso, sida wada shaqaynta kooxda, qadarinta, hal abuurka iyo adeegga macaamiisha ee qaaska ah.

Haquursan saamaynta ay leedahay goob shaqo oo dhaqan wanaagsan leh. Waxay kaacaawinaysaa inaad soo jiidato, aad abuurto aadna ilaallsato shaqalaaha xirfada leh. Waxay kaacaawinaysaa inaad noqoto batrooniga qfkasta dookhdo.