group employee training session

Hadba intay bartaan, ayaad guul dheeri ah sii gaaraysaa

Tababarka ayaa ku imaanaaya dhamaan qaababka iyo xajmiyada, ayadoo ay jiraan qaabab badan oo aad kor ugu qaadi karto wax soosaarka ganacsigaaga.

Hormarinta xirfadaha: Tan waxaa kujiri kara inta badan waxkasta oo aad kadoonayso in shaqaalahaagu guul kagaaraan, laga bilaabo inay bartaan adeegsiga aalad cusub oo xisaabinta ah ama qalab cusub oo roobaat ah ilaa hormarinta xirfadaha suuq gaynta ee loo adeegsado baraha bulshada. Kor uqaadista xisaabta aasaasiga ah, wax qorista iyo xirfadaha kumbuyuutarka ayaa sidoo kale noqon kara kuwa muhiim ah.

Himilooyinka goobta shaqada: Arintaana waxaa badanaa kujira xasaasinimada, dhibaataynta iyo tababarka wadahadalka ee shaqaalaha. Waxaa sidoo kale kujiri kara tababar laxariira goobta shaqada iyo dhaqankeeda si ay shaqaaluhu ufahmaan waxa laga doonaayo.

Tababarka hogaaminta: Waxaa laga yaabaa inaad doonayso inaad abuurto barnaamij kuu gaar ah oo qaabilsan hogaaminta iyo tababarka kormeerka si aad kor ugu qaado xirfadaha kajira ganacsigaaga. Hadba intuu tababarku gaar yahay, ayay uyeelan kartaa faa'iido dheeri ah ganacsigaaga.

Tababarka ayaa noqon kara:

  • Mid gaar ah ama guud xirfad ahaan
  • Mid lagu fulinaayo fasal, goorta shaqada ama qaab oonleen ah
  • Lagu bixinaayo hal cashar, casharo badan ama si joogto ah

Ayadoon laga fiirin nooca tababar ee gaancsigaagu ubaahan yahay ama iyo qaabka aad aaminsan tahay inuu guusha ugu fiican kukeeni karo, waxaad ubaahanaysaa inaad dulmarto dhamaan dookhyada kuufuran. Khabiir katirsan CareerForce ayaa kumarsiin kara dookhyadaada si uu kaaga caawiyo inaad go'aansato waxa kuugu habboon adigga.

Waxaa siidheer arag ilahaan dheeriga ah: