marines in formation

Khibrada dhanka milatarigu waxay keentaa qiimo badan

Waxaa jiro sababo aad ubadan oo wanagsan ood kushaqaalaysiinayso qofka cidanka kashaqeeyay, lagasoo bilaabo waxbarashada iyo tababarka ilaa qiimayaasha, hogaaminta iyo iskuxirnaanta shaqaalaha. Halkaan waxaa kahelaysaa sababo cajiib ah ood kushaqaalaysiinayo qof hadda kujira ama horay uga mid ahaan jiray milatariga.

Xawaaraha barashada oo dheereeya
Dadka ciidanka katirsan waxay awood uleeyihiin inay bartaan xirfado iyo fikrado cusub. Waxaa intaas siidheer, waxay kusoo biirin karaan shaqaalahaaga xirfado la aqoonsan karo oo lawareejin karo, kuwaasoo lagusoo tijaabshay xaaladaha dhabta ah ee aduunka kajira. Shaqsiyada noocaas ah waxay kor uqadaysaa wax soosaarka shirkadaada.

Hgaamin
Milarigu wuxuu dadka utababaraa inay hogaamiye lagu daydo noqdaan ayagoo si taas lamid ah labaro tilmaamida, wufuuda, dhiirigalinta iyo wacyi galinta. Dadka ciidanka katirsan waxay fahmayaan qaabab dhab ah oo ay umaareeyaan habdhaqanka kadhasha natiijooyinka, xataa markay kujiraan xaalado adag. Waxay sidoo kale yaqaanaan dhaqdhaqaaqyada hogaaminta oo qayb ka ah qaab dhismeedka madaxda ayaga kasaraysa iyo shaqaalaha facooda ah labadaba.

Iskuxirnaanta shaqalaaha
Dadka cidaka katirsan waxay yaqaanan muhiimada ay leedahay kobaca wada shaqaynta shaqaalaha oo ku aadan masuuliyada qofku uhayo qofka shaqada lahaya. Waajibaadka milatarga waxaa kamid ah wax soosaarka shaqsiga ah iyo kan koox ahaanta loosameeyo. Waxay sidoo kale muhiim kadhigaan fikirka sida kooxda dhamaan xajmiyadu ay iskugu xiran tahay iyo yool loosiman yahay.

Kaladuwanaanta iyo iskudhafnaan shaqaynaysa
Dadka cidanka katirsan waxay barteen inay kagarab shaqeeyaan dadka, ayagoon dan kagalayn kaladuwanaanta isirka, jinsiga, meesha qofku kayimid, qabiilkiisa, diintiisa iyo xaaladiisa dhaqaale iyo sidoo kale awodaha qofka ee dhimirka, jirka iyo fikirka.

Wax soosaar waxtar leh oo cadaadis kushaqaysa
Dadka cidanka katirsan waxay yaqaanaan culaysyada dhanka jadwalka xiriiriga ah iyo adeegyada kooban. Waxay abuureen awood ay waajibaadka kufuliyaan waqtii loo cayimay, xataa ayadoo uu jiro walaac badan. Waxay yaqaanaan difaaca muhiimka ah ee kujirista shaqada ilaa ay kadhameeyaan.

Xushmaynta hanaanada iyo hufnaanta
Dadka ciidanka katirsan waxay barteen fikir qaas ah oo ku aadan qiimaha hufnaanta. Waxay kaqaadan karaa goobtooda ayagoo raacaaya naqshada goobta shaqada. Waxay yaqaanana sida xeerarka iyo hanaanadu ugu sahlaan ururka inuu ushaqeeyo si waxtar leh oo hufan.

Farsamada casriga ah iyo anacsiga aduunka
Sabab laxariirta inay khibrad kabarteen adeegga ciidanka, dadka ciidanka kasoo shaqeeyay waxay caadiyan yaqaanaan dhaqdhaqaaqyada iyo farsamada caalamiga ah ee laxariirta ganacsiga iy warshadaha. Waxay keeni karaan nooca iskuxirnaanta ganacsiga aduunka iyo guusha farsamada casriga ah kuwaasoo ay dhamaan shirkadaha intay doonaanba hale'kaadaane ay ubaahan yihiin si ay guul ugaaraan.

Sharaf
Dadka ciidanka kasoo shaqeeyay way yaqaanaan waxay qaadanasyo in laqabto “shaqada maalmeed daacad ah.” Batrooniyaasha wax shaqaalaysiinaaya ayaa kacaagi kara shaqsiyad leh taariikh sharaf kudhisan, oo badanaa ay kujirto hufnaan dhanka amaanka ah. Sharafta ayaa badanaa keento tayada kalsoonida iyo is aaminaada.

Kubaraarug sanaanta heerarka caafimaadka iyo badqabka
Waxaa mahadnaq mudan tababarka adag ee ay qaateen, dadka ciidanka kasoo shaqeeyay waxay kawarqabaan hanaanada caafimaadka iyo badqabka ee quseeya naftooda iyo dadka kalaba. Wacigaas iyo baraarugaas aya ufasirmaaya difaaca shaqaalaha, hantida iyo alaabta.

Kaguulaysiga xaalada adag
Marka laga reebo inay leeyihiin shaqsiyad gahayrtay dadka ciidanka kasoo shaqeeyay waxay si joogto ah uga guulaystaan xaalada dhibka adag leh. Waxay ubadan tahay inay kuguulaysteen xaaladaha muhiimka u ah shaqada ee ubaahan hal adayga, daganaasho maskaxeed iyo isbadalka xaalada. Waxay kagudbi karaan naafooyinka shaqsiga ah ayagoo muujnaaya hal adayg iyo go'aan qaadasho.

Wixii macluumaad dheeri ah oo laxariira shaqalaaysiinta dadka ciidanka kasoo shaqeeyay, laxariir khabiirka CareerForce ama booqo ilahaan muhiimka ah: